Waxaa galabta kusoo idlaaday magaalada Nairobi shir ay halkaas ku lahaayeen saxiixayaasha Qariirda Tubta ee Road mapkar.
Shirka oo uu maanta duhurkii ka carooday kana baxay madaxweynaha dowlada Soomaaliya Shariif Sheek kh Axmed ayaa waxaa goob joog ka ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay Augustine Mahiga oo ka warbixiyay waxyaabihii hadlay shirkaas.
Mahiga waxa uu sheegay in laga hadlay arimo ay kamid yihiin soo xulista xildhibaanada cusub, doorashada madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa iyo weliba mida ugu muhiimsan oo ah xiliga loogu talagalay inuu Road mapku kusoo idlaado oo ah 20 bisha Ogosto ee sanadkaan.
Mr Mahiga ayaa sheegay in odayaasha looga baahanyahay inay ballan qaadkoodii ahaa inay si daacad ah usoo xulayaan xildhibaanada cusub ka dhabeeyaan islamarkaasna ay 30% oo haweenka loo qoondeeyay kasoo baxaan.
Waxyaabaha kale oo laga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa bal qaabka doorashada masuuliyiinta sare loo qabanayo ayada oo la iskusoo hadal qaaday in marka hore la doorto madaxweynaha kadibna la doorto gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa, balse markii dambe la isku raacay in sidii caadiga ahayd loo fuliyo oo la doorto gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa kadibna in madaxweynaha la doorto.
Dhanka kale raisalwasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna markii uu shirka soo gaba gaboobay saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya dhawaan tubta nabada cagta saari doonto.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Viva sharif Hassan sorry viva madaxmayne his exelance sharif Hassan sh adan and hambalyo DM