Tuesday, May 21st, 2013

Shirkii ansixinta dastuurka oo dib u dhacay.

Waxaa dib u dhacay shirkii ergada ee ansixinta dastuurka oo lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 12.07.2012.

Sida ay sheegtay wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowlada KMG Soomaaliya shirkii ansixinta dastuurka ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Muqidsho ayaa dib u dhacay.

Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdi Cali ayaa sheegay cilad farsamo darteed inuu dib ugu dhacay shirkii ergooyinka ee ansixinta dastuufka oo maanta ka dhici lahaa magaalada Muqdishi.

Maanta ayaa la qorsheynayay inuu dhaco shirkii ergooyinka ansixinta dastuurka cucub ee uu yeelanayo dalka Sooomaaliya ayada oo qayb ka ah qorshaha Road mapka ee dalka Soomaaliya lagaga saarayo kumeelgaarka.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply