Monday, May 20th, 2013

SHIRKADA APPLE OO SOOSAARTAY TELLEFOON KAYAABIYAY ADUUNYADA DAAWO VIDEO‏

Shirkada apple oo ah shirkada loogu jecel yahay aduunyada ee soo saarta qalabyada kala duwan ee electronics ka ayaa maanta ku dhawaaqday inay si buuxda daboolka uga qaaday tellefoonkii in badan lasugaayay oo ah I PHONE 5.

Magaalooyinka london, paris tokyo, frankfurt, new york sydney ayaa kamid ah magaalooyinka laga helli karo telefonkan, kumanaan kun ayaa saakay isugu imaaday barxada covent garden ee london si ay u iibsadaan tellefonkan.

Wiil layiraahdo Ryan williams ayaa noqday wiilkii ugu horeeyey ee iibsada tellefonkan waxaana la arkayay asaga oo aad u faraxsan oo kasoo baxaya waxaana uu yiri ” 3 maalmood iyo saddex habeen ayaan jiifanayay dukaankan hortiisa si aan u noqda shaqsiga ugu horeeya oo iibsada IPHONE 5 sidaas daraadeed waan gulaystay waana ku faraxsanahay” ayuu yiri Ryan


Qiimaha tellefonkaan ayaa ah mid aad loola dhacay isagoo qiimihiisu hada marayo 700 dollar oo kaliya.
Mohamed Megan.
Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply