Thursday, May 23rd, 2013

Shirka ansaxinta dastuurka oo goor dhow Muqdisho ka furmayo iyo amaanka oo si aad ah loo adkeeyay.

Waxaa maanta saacadaha soo socdo lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho  shirka ansaxinta dastuurka cusub eye uu yeelanayo dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa ka furmaya xarunta Iskuulo Pluzio oo hada loo bixiyay Akadeemiyada tababarka ciidamada booliska ee jeneraal Kaahiye oo ku taala magaalada Muqdisho.

Waxaa dhanka kale si aan horay loo arag loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayada oo ay ciidamo fara badan oo katirsan dowlada KMG Soomaaliya dhoobanyihiin wadooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Ciidamadaan ayaa baaritaano ku haya dadka iyo gaadiidka isticmaalaya wadooyinka waxayna dhowr baro koontarool ka sameysteen jidadka waa weyn ee magaalada Muqdisho sida jidka weyn ee Maka Al-Mukarama iyo wadooyin kale.

Waxaa sugitaanka amaanka magaalada sidoo kale qayb ka ah ciidamada AMISOM oo khalab dadka iyo alaabaha lagu baarayo ku rakibay xarunta uu shirku ka furmayo si aanay u dhicin in amaanka goobta uu shirku ka furmayo qal qal ugu yimaado.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply