SHIRWEYNIHII DIGIL & MIRIFLE EE UK OO UU KASOO BAXAY WAR SAXAAFADEED IYO BAAQ LOO JEEDIYAY DOWLADA+SAWIRO

<


kulankani oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa iskugu yimid oo Aayahoodii ka tashanaayay Qowmiyada DIGIL &  MIRIFLE kaasoo ka dhacay dalka  Ingiriiska gaar ahaan magaalada Manchester.

Wufuuda kasoo qeyb gashay shirweynahaan ayaa waxey ka kala yimaadeen wadamada kala ah  UK, Holland, Sweden, Norway, Denmark ,Finland iyo America.
Kasoo qeybgalayaasha ayaa waxa ay iskugu jiraan Waziiro horay xil ugasoo qabtay Dowladihii Dalka soo maray , Odoyaal, Siyaasiyiin Wax garadka DM kuwaaso iskugu jira Rag & Dumar iyo Madaxda Jaaliyada UK taasoo lahayd abaabulka shirkan.

Wafuuda kasoo qeyb gashay Shirkani ayaa waxaa kamid ahaa Axmadeey Sheikh Mukhtaar , Wasiirkii warfaafinta & Boostada  ee  Dowladii  C/qaasim ,Cali sheikh Cabdullahi   (Cali Afgooye) wasiir kuxigeenkiii  Shaqada & Shaqaalaha , Dowladii Farmaajo, Eng: Saalax  sheikh Osmaan oo  ka  mid ah  Oqoonyahanadii  wax  kasoo diyaariyey dastuurka  Federaalka ah  ee  hada  jira  isla  markaana  ka  mid ah Guddi  7 Xibnood ka kooban oo ay Dowlada  Soomaaliya usoo Magacowdey  maamul u Sameynta gobolada  Koonfur-galbeed Soomaaliya , C/risaaq Sheikh Muxyadiin oo   ka mid ahaa Wasiiradii Dowladii  Farmaajo Eng: Yuusuf Muumin   Gudoomiyaha  Guddiga  Fulinta  Jaaliyada  UK, Sahra Max’ ed Nuur (Sahra Carabey) oo  ka mid ah Guddiga Manchrester  Cabdiladhiif Qaasim Abuukar oo  ka socdey Jaaliyada Bolton Max’ ed Jeylaani oo ah  mid kamid ah  asagana  siyaasiyiinta  Digil & Mirifle ,Max’ed  Nuur Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga fulinta  Jaaliyada  Uk , iyo   Salaadiinta Digil & Mirifle .

Ugu dambeyntiina waxaa kasoo baxay shirka warsaxaafadeed iyo baaq ku aadan sidii looga gudbi lahaa dhibka heysta muwaadininta DM, qodobada laysku raacay ayaa waxaa ka mid ah:

1- Dowlada Ayaa loogu baaqey iney Maxkamad Horkeento, Askarta Caadiyeysatay DHACA, DILKA, KUFSIGA, JIRDILKA HAWEENKA KU JIRA XERYAHA BARAKACIYAASHA MUQDISHO.

2- DOWLADU WAA INEY MAGDHOW, RAALI GAREEN KA BIXISAA XADGUDUBYADAASI LOO GEYSTO BARAKACIYAASHA, WAANA INEY ILAALISO XUQUUQUL INSAANKA.

3- DOWLADU WAA INEY KA HORTAGTAA KOOXAXA DHUL  BOOBKA AH RABA DAD MASAAKIIN AH INEY DHULKOODA XOOG KU QAATAAN OO LOO SHARCIYEEYO, GOBOLKASTA WAXAA ISKA LEH DADKIISA  OO XAQNA U LEH INUU MAAMUSHO.

4- DADKA BARAKACAYAASHA AH EE KU JIRA XERYAHA MUQDISHO WAA IN DIB LOOGU CELIYAA GURYAHOODA SI AY U TACBADAAN BEERAHOODA , DOWLADUNA WAA INEY DADKAASI KU TAAGEERTAA DIB U CELINTOODA .

5- DOWLADA WAXAA LAGU AMAANEY QEYB KA SIINTA TV-GA QARANKA AFKA MAAY-GA  LAAKIIN WAA INEY HOR MARISAA MA AHAN  QAABKA UU HADA KU SOCDO QAAB AAD LOOGU QANACSAN YAHAY.

6- BURCAD DHULEEDKA WARKOODU LA ISKUMA WAALIN WAXA ALA YIRI” SEDLANGKOO ING BOOROW IIMAANGKAA SUGHOY MIKIING SUURTAWAASOO IIMAANGKAA SUGHOY, KELIYA WAXAA LOO RAACIYEY CAGTII JOOGSAN WEYSAA MARBEY CEEB LA KULANTAA.

7- GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA & GUDIGII MAAMUL USAMEYNTA 6-DA GOBOL WAXAA LA ISKU RAACEY INEY HOWSHA DA DEJIYAAN, OO MAAMULKII SAMEEYAAN , JAALIYADAHA BANAANKANA WAXAA LOOGU BAAQEY INEY TAAGEERTO SHIRKA BAYDHABO.

8- BAAQA JAALIYADAHA LOO JEEDIYEY AYAA WAXAA KU JIREY INEY TAAGEERAAN ISBITAALADA KOONFURTA SOOMAALIYA OO WAX LOO QABTO ISBITAALADA KU YAALO MAGAALOOYINKA, KISMAAYO, MARKO, BARAAWE, JILIB, SAAKOW, BAARDHEERE, LUUQ, DOOLOW, BAYDHABO, XUDUR, AFGOOYE, BUURHAKABA, DIINSOOR IYO GUUD AHAAN GOBOLADA AY DAGAAN QOWMIYADA DM
wabilaahi towfiiq

HOOS KA DAAWO SAWIRADII SHIRKA

 

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID