Tuesday, May 21st, 2013

Shir hada ay ku leeyihiin Shariif Xasan iyo malaaqyada DM guriga xildhibaanad Fowziya Maxamed Sheekh.

Ayada oo uu habeenadaanba waday Shariif Xasan isku dayo uu ku doonayo inuu kaga dhaa dhiciyo prof Maxamed Sheekh Jawaari oo u taagan xilka gudoomiyanimada baarlamaanka inuu ka haro ayaa waxaa hada uu shir ka socdaan guriga Fowziya Maxamed Sheekh oo kamid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa dalbaday Shariif Xasan ayada oo ay sidoo kalena goob joog yihiin malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo badankood ku fikir ah Shariif Xasan balse waxaa kulanka caawa ka baaqsaday oo ka maqan prof Jawaari oo ah muwaadin ay Soomaalida oo dhan iyo beesha caalamka la damacsanyihiin inuu kala hago baarlamaanka Soomaaliya ee lagu jah wareeray islamarkaasna wax kasoo qoray dastuurka cusub ee dhawaan la ansaxiyay.

Prof Jawaari waxa uu kulanka usoo dirsaday ergay balse waxaanan marnaba ka daa degayn  sida ay wararku sheegayaaun rabitaanka Shariif Xasan ee ah inuu ka haro musharaxnimadiisa gudoomiyanimada baarlamaanka Soomaaliya.

Prof Jawaari ayaa ilo lagu kalsoonyahay waxa ay u sheegeen shabakada warbaahinta baidoamedia.com inuu u sharaxanyahay xilka gudoomiyanimada baarlamaanka taasoo wadna qabad ku noqotay Shariif Xasan oo isna iskusoo sharaxay madaxweyninimada dalka Soomaaliya.

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha shirka hada socdaa dib ayaan idiinkasoo gudbin doonaa Insha Allah.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Shir hada ay ku leeyihiin Shariif Xasan iyo malaaqyada DM guriga xildhibaanad Fowziya Maxamed Sheekh.

  1. abdi says:

    waxaan aad ulayaabey dadka boolida baneyste oo D M cuuryaamiyey oo hadana lasii tageeraayo waa yaab waana mahadsantihii baidoamedia.

Leave a Reply