Wednesday, June 19th, 2013

Shir ballaaran oo looga arinsanayo maamuul goboleedka koonfur galbeed oo Muqdisho ka dhacay.(Sawiro)

Magaalada Muqdisho gaar ahaan, xarunta madaxtooyada waxaa ka dhacay shir ballaaran oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan  ee bulshada Digil iyo Mirifle.

Shirka oo looga hadlayay sidii dowlad goboleed loogu sameyn lahaa deegaanada koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa ku dhacay jawi aad u wanaagsan ayada oo halkaasna lagu magacaabay gudi ka kooban 42 xubnood.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasoo isaga qudhiisa kasoo jeeda gobolada koonfur galbeed.

Shirka ayaa waxaa layskula afgartay in la sameeyo gudi ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan baarlamaankii hore, 7 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka hada, 7 xubnood oo aqoon yahano ah, 7 malaaq iyo 14 xubnood oo ka socoto qurba joogta kasoo jeeda gobolada koonfur galbeed.

Qaar kamid ah magacyada aan ilaa iyo hada helnay ee gudigaas ayaa kala ah sidan,

Cali Wardheere,

Maxamed Macalin Aadan,

Yuusuf Madkeer Guurow,

Xasan Abuukar,

Maxamed Ibraahim Miyaashe,

‘Muslimo Nuurow Maxamed,

Cabdulqaadir Dhegacade,

Suldaan Warsame,

Cabdi Aadan Hoosow,

Idiris Sheekh Yuusuf,  iyo proff, Heerow anaga oo idiin ballan qaadayno innaan 42 xubnood magacyadooda idiinsoo wada gudbino haduu Illaah idmo.

Gudigaan ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u howlgalayo sidii maamul goboleedkii koonfur galbeed dhidibada loogu taagi lahaa si uu qayb uga noqdo jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee curdunka ah.

Baidoa media, Muqdisho.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply