Shir gudiyeedka ay gudiga sare ee ururka dhalinyarada SUF yeeshaan bishiiba laba mar ayaa shalay kadhacay xarunta ururku kuleeyahay magaalada Västerås. Waxaa shirkaa xaadirka ka ahaa dhamaan gudiga sare ee ururka SUF ee ka kooban 9ka xubnood.
Waxyabaaha looga hadlay shirka shalay waxaa kamid ahaa arimo badan oo ku saabsan sida loo xoojinlahaa mustaqbalka ururka loona hirgelinlahaa balanqaadyadii lagu ansixiyay shirweynihii ururka ee dhacay sanadkii lasoo dhaafay 25.12.2011. kuwaas oo qorshuhu yahay sida in la hirgeliyo bilaha nagu soo aadan.
Waxyaabahaas waxaakamid ah balanqaadkii uu ururku balanqaaday in uu ka hirgaliyo magaaladaan Västerås/Sweden xaflada 1 luulyo, taas oo laga xuso dhamaan caalamka iyo wadankiiba laakiin aan wali kadhicin magaaladaan Västerås, waxaa aad looga hadlay sida munaasabad heersareesa looqabanlahaa go aamo waadixana laga gaadhay sida ay u xaqiijisay Baidoa media afhayeenka ururka Luul Mohamed .
Waxaa kale oo kamid ahayd waxyaabaha shalay wax lagasoo saaray sida loo soo agaasimi lahaa Xaflad iyana laqabanayo bilawga bisha lixaad taas oo macnaheedu yahay maalinka looxidhayo iskuulada dhalinyarada Soomaaliyeed ee magaaladaan wax kabarata sida ay noo xaqiijisay afhayeenad luul.
LUUL Mohamed Waxay kaloo gudiga ururku iclaamiyeen in jimcada 18.05.2012 shirwaye loo qabto xubnaha ururka oo dhan si loola socodsiiyo hawshu meeshay marayso iyo waxyaabaha miiska saaran hada iyo sidii loo qaban lahaa.
Mar ay baidoa media wax kaweydiisay afhayeenka ururka waxyaabaha ay qabtaan ayaa Luul waxay tidhi ” in SUF ay tahay urur dhalinyaro oo u istaagay isu keenida dhalinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan gobolka Västmanland, gaar ahaan magaalada Västerås kuwooda horay u joogay iyo kuwooda kucusub si la isu barto ayadoo aan u samayno barnaamijyo ay kuwada kulmaan iskuna bartaan , sida, maalinkasta oo Arbaca ah oo la isugu yimaado xarunta ururka SUF .waxaa kale oo aan waxkaqabanaa soobandhigida hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed , si aan u noqono dad jira oo layaqaano. Waxaan kale oo aan wadnaa hada gacantana kuhaynaa barnaamij, lagacaawinayo bulshada dhanka maadooyinka iskuulada lagu barto sida Englishka, xisaabta iyo weliba Swedishka”


Abshir Anbashe.
abshir32@gmail.com
Baidoa media, Västerås, Sweden .
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com