Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakudukade oo ah waaliga wilaayada Sh/dhexe ee xarakada Alshabaab ayaa maanta boqolaal dadka reer Jowhar ah kula hadlay masaajid ku yaalo magaaladaas.
Sheekh Kabakudukade ayaa ku dheeraaday dagaalka ay Alshabaab kula jirto ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM isaga oo ugu baaqay dadka inay ka qayb qaataan dagaalka.
” Dadka reer Jowhar gaar ahaan kuwa masaajida ku xiran waxaa looga baahanyahay inay kharaar qaataan” sidaas waxaa yiri Sheekh Kabakudukade oo sheegay inay ka guuleysanayan waxa uu ugu yeeray gaalada.
Hadalka Sheekh Kabakudukade ayaa imanayo xili ay qaybo kamid ah gobolka Sh/dhexe qabsadeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
” Bal taangiyada meesha ay ku dambeeyaan aan aragno marka raayada Islaamka laga taago Balcad, madaxtooyo, Addis ababa iyo Nairobi” ayuu yiri Sheekh Kabakudukade, gudoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe ee Xarakada Alshabaab.
Hoos ka dhegayso codka Sheekh Kabakudukade.
kabakudukade
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com