Gudoomiyaha Alshabaab ee gobolka Shabeelada dhexe Sheekh Yuusuf Sh Ciise Kaba-ku-tukade ayaa waxa uu saxaafada kula hadlay magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaas isaga oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay habeen hore deegaanka Qalimow.
Sheekh Kaba kudukade ayaa sheegay inay la socdaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan ciidamad
a dowlada iyo kuwa AMISOM ee ay ku doonayaan inay kusoo weeraraan magaalada Jowhar.
“Waxaan la soconay maalmahan in warbaahinada ay kaga hadaaqayeen iyagoo sheegaya in duulaa an ay ku yihiin magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee Wilaayada, inaga dhankeena waan ka wacelineynaa, waxaana leenahay dagaalkii Qalimow wuxuu billow u yahay howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah cadowga” ayuu yiri Sheekh Kaba-ku-tukade.
Hadalka kasoo yeeray Sheekh Kabakudukade ayaa imanaya xili uu dagaal xoogan habeen hore ka dhacay deegaanka Qalimow oo u dhow magaalada Jowhar halkaasoo ay ku suganyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com