Wednesday, June 19th, 2013

Sheekh Xasan Nasrallah oo ku eedeeyay Mareykanka, Israa’iil iyo dalal Carbeed inay argagaxisanimo ka abuurayaan dalka Suuriya.

Skheekh Xasan Nasrallah, hogaamiyaha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa waxa uu sheegay inay dowladaha Mareykanka, Israa’iil iyo dowlado Carbeed ay ka abuurayaan argagaxisanimo dalka Suuriya oo ay hada ka taaganyihiin dagaalo u dhexeeyo kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan dowlada Suuriya iyo weliba ciidamada madaxweyne Bashar Al-Assad.

” Kumaa doonayo burburka Suuriya? America iyo Israaäiil iyo dowlado Carbeed.” sidaas waxaa yiri Sheekh Xasan Nasrallah oo kula hadlayay kumanaan taageerayaashiisa ah waqooyiga magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan.

” Waxay doonayaan inay baa bi’iyaan Suuriya, sababtoo ah waa taageeraha ugu weyn ee iskacaabinta kajirto Lubnaan iyo Falastiin” sidaas ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Xasan Nasrallah oo ay kooxda uu hogaamiyaha u yahay ay si aad ah iskugu dhowyihiin madaxweyne Bashar Al-Assad.

Isaga oo cambaareynayay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimada Suuriya oo ay dadka badan ku dhinteen kuwa kale oo badana ku dhaawacmeen, Sheekh Xasan Nasrallah waxa uu eedeeyay mucaaradka Suuriya eedaynta ay usoo jeediyeen ciidamada Suuriya inay ka dambeeyeen qaraxyadas.

” Dadka reer Suuriya waxa ay taaganyihiin marxalad muhiim ah, wado waa mida isbedelka, wadana waa mida bur burka” sidaas waxaa yiri Sheekh Xasan Nasrallah oo sheegay in qaraxyada ka dhacayo dalkaasi ay cadeyn u yihiin inuu dalkaasi qaadayo wadadii Ciiraaq.

Hadalka Sheekh Xasan Nasrallah ayaa imanaya xili ay qaraxyada iyo dagaalada kusoo badanayaan dalka Suuriya oo ay kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan dowlada madaxweyne Bashar Al-Assad sii xoogeysanayaan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply