Friday, May 24th, 2013

Sheekh Umul oo si weyn ugasoo horjeestay dastuurka cusub kana digay innaan la ansixin qaynuun aan boqolaal sano laga laaban karin. (Dhegayso)

Sheekh Maxamed Cabdu Umul oo kamid ah culimada waa weyn ee Soomaalida ah ayaa waxa uu ka hadlay dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya isaga oo sidoo kalena kasoo horjeestay dastuurkaas.

Sheekh Umul ayaa waxa uu sheegay in dastuurka cusub ee Soomaaliya ay qortay UNka oo ay ayaga dejiyeen isaga oo tusaale usoo qaatay oraahda ah ” Yeeydu goormay noqotay mid ariga raacda” taasoo uu usoo qaatay tusaale in UNku aanay marnaba dan Soomaaliyeed ka shaqaynaynin.

Sheekh Umul ayaa sidoo kalena sheegay in dastuurkaan la wado aan si dhab ah loogu aqrin dadka loona fasixin inay ogaadaan isaga oo sheegay in dastuurkaan sidiisaba la qarsaday lana rabo in lagu kediyo ummada Soomaaliyeed.

” Soomaalidu waxay yiraahdaan wax la qariyay qurunbaa kujira” sidaas waxaa yiri Sheekh Umul oo sidoo kalena sheegay inay wixii jiri soo bixi doonaan.

” Odayaal aan wax aqrin in meel la iskugu keeno oo la dhaho ma fahanteen dastuurka oo ay dhahaan haa waan fahanay, qalinka ku duuga markaas kadib la dhaho ayaa la rabaa” sidaas waxaa yiri Sheekh Umul oo sidoo kalena sheegay in qof aan sharciga aqoon uu fahmi karin dastuurka ama Soomaali haku qornaado ama Ingiriis haku qornaadee.

Dhanka kale waxa uu sheegay Sheekh Umul in dastuurka cida loo sameynayo ay tahay umad Muslimiin ah lana doonayo inuusan shareecadeeda ka hor imaan, halkii culimada wax laga weydiin lahaana bilawgii ayaaba  la fogeeyay, ” Waxaa la ii sheegay in nin Pakistan iyo Eeshiyaan ciduu yahay ma hubee oo sheegta inuu yahay caalim sharciga yaqaano uu sharciyadana u qoro UNka uu la socdo kuwa dastuurka qorayo oo uu magacii culimadii Soomaaliyeed isaga metalayo” ayuu yiri Sheekh Umul oo dhanka kalena sheegay in waxaan aan mudo boqolaal sano ah laga laaban karin haddii maanta la ansixiyo.

” Fiiri Caalamul Carabi, dadkii waxa ay leeyihiin waxaan rabnaa diintii, Soomaalina waxaa la rabaa in gadaal loogu celiyo gaalnimo iyo wax labaatan sano kahor aan soo marnay” ayuu sii raaciyay Sheekh Umul oo sheegay in qofka is leh dastuurbaa la dejiyay dowladbaa la dhisay uu qarwayo.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Umul ayaa imanayo xili ay dad badan oo Soomaali ah kasoo horjeesteen dastuurka lagu wado in lagu ansixiyo magaalada Muqdisho bishaan dhexdeeda.

Hoos ka dhegayso khudbada Sheekh Umul.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply