Xili mudooyinkaanba laga hadal hayay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaala xeebeedka Kismaayo cunista hilibka waraabaha ama dhurwaaga oo ay Xarakada Alshabaab sheegtay inay xalaal tahay ayaa hadana waxaa arintaas ka hadlay culimo caan ah oo Soomaaliyeed oo uu kamid yahay Sheekh Umul.
Isaga oo la hadlayay idaacada VOAda laanteeda afka Soomaaliga ayuu sheekh Umul yiri, ”Waraabaha ama dhurwaaga waxaa ku soo arooray cunistiisa axaadiis, waana xadiiska Jaabir uu warinayo, wuxuu sheegay Jaabir Nabiga NNKH in la cuni karo hilibka waraabaha, ayna tahay Ugaar, xadiiska waxaa saxiixay Axmed iyo Afarta Ahlusunada ah, waxaa kaloo saxiixay Buqaari iyo Culimo kale”
Hadalka kasoo yeeray sheekh Umul ayaa tashwiish badan geliyay ummada Soomaaliyeed oo aan u baran cunista hilibka waraabaha amaba aanay horay u dhicin in meel kamid ah geyiga Soomaaliyeed ay dadku cunaan dhurwaaga/waraabaha oo taas bedelkeedna looga bartay inuu isaga xoolaha iyo dadkaba cuno.
Balse mar haddii ay soo baxeen xadiisyo sheegayo cunista waraabaha inay xalaal tahay oo ay banaan tahay waxaa laga yaabaa inay caadi ka noqoto dalka Soomaaliya cunista hilibka dhurwaaga ama waraabaha.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com