Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Alshaab ayaa dadka magaalada Kismaayo kala hadlay idaacada Andalus oo dhawaan dib hawada ugusoo laabataya.
Sheekh Fu’aad ayaa waxa uu kala hadlay dadka Kismaayo arimaha dagaalka ka socda gobolka Jubbada hoose isaga oo ku booriyay dadka inay ka qayb qaataan dagaalka, ”Waxaa laga rabaa dhalinyarada xooga leh ee hubka qaadi kara inay baxaan oo ay dagaalada ka qeyb qaatana, waa inaad naftiina iyo maalkiina u hurtaan difaacida diinta Alle”ayuu yiri Fu’aad Shongole oo si gaar ah u xusay dhalinyarada inay dagaalka ka qeyb galaan.
Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay Sheekh Fu’aad inaysan dadku cabsan isna dejiyaan islamarkaasna aanay qasab ahayn qof kastaba inuu qori qaato.
“Kii dhagax tuuri kara, kabtiisa tuuri kara, birta tuuri kara, qoriga tuuri kara, Allaahu Akbar baa lagu tuurayaa, dhagaxu bambo ayuu isku bedelayaa, qoriga Hoobiye iyo BM ayuu isku bedelayaa, Alle ayaa wata”ayuu yiri Fu’aad Shongole.
Hadalka kasoo yeeray Sheekh Fu’aad Shongole ayaa imanaya xili ay xaalad kacsanaan ahi ka jirto magaalada Kismaayo dad badana ay ka barakacayaan magaalada.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com