Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf oo lagu arkay fagaare ku yaala magaalada Buula barde. (Sawiro)

<

Ayada oo dhawaanahaanba ay Xarakada Alshabaab sheegaysay inuu jiro masaajid ku yaala magaalada Beledweyne inay ciidamada Itoobiya u adeegsadaan qaab kaniisadeed ayaa waxaa maalintii Jimcaha ahayd iskugu yimid magaalada Buula barde ee gobolka Hiiraan boqolaal dadweynaha magaalada ah ayaga oo sida la sheegay ka careysan arinta masaajidka.

Dadkii iskusoo baxay ayaa waxaa la hadlay masuuliyiin katirsan Xarakada Alshabaab oo uu kamid ahaa madaxa dacwada ee Alshabaab Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf kaasoo si weyn u cambaareeyay arinta masaajidka sidoo kalena ka hadlay arimo kale.

Dhanka kale waxaa lagu dhex arkayay dadkii iskusoo baxay dumar hubeysan oo dhoolatus muujinayay.

Sheekh Fu'aad Khalaf ayaa waxa uu kamid yahay madaxda sare ee Alshabaab ee ay dowlada Mareykanka madaxooda dul dhigtay malaayiinka doolar cidii soo sheegta halka ay ku suganyihiin balse arintaas ayaan la ogeyn sida ay u suurta gali karto maadaama ay madaxda Alshabaab si xor ah iskaga dhex gooshaan gobolada dalka Soomaaliya inta ay ayaga weli ka arimiyaan.

Horay ayaa waxaa jiray warar sheegayay in Sheekh Fu'aad uu ku biiray ciidamada Alshabaab ee ku sugan buuraha Gal gala ee deegaanada maamul goboleedka Puntland, balse waxaa muuqato inuu Sheekh Fu'aad hadba meel u wareego.

buy generic viagra onlinemaxamed-khalaf-oo-lagu-arkay-fagaare-ku-yaala-magaalada-buula-barde-sawiro/buulaay1/” rel=”attachment wp-att-32874″>

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.