Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Sheekh Aadan Madoobe oo ka digay maamul loo sameeyo gobolada Jubbooyinka.

Siyaasiga rug cadaaga ah ee Soomaaliyeed, horayna usoo noqday gudoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ”Madoobe” ayaa ka digay maamul loo dhiso gobolada Jubbooyinka oo aanay ka wada qayb qaadan dadka wada dega goboladaas.

Sheekh Aadan Madoobe oo hada ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya safarna dhawaan kagasoo laabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu magaalada Nairobi kulasoo kulmay qolooyin ku mashquulsanaa dhismaha maamul goboleed la magac baxay Jubbaland.

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu sheegay inuu kooxahaasi kala hadlay innaan lagu deg degin dhismaha maamul aan loo dhameyn isaga oo sheegay inay arinkaasi iskusoo af garteen balse uu nasiib daro ku tilmaamay in hada la wado shir ka furmaya Kismaayo oo maamul loogu dhisayo goboladaas.

Aadan Madoobe waxa uu sheegay inaysan suurta gal ahayn inay kooxi si gaar ah maamul ugu dhisato gobolada Jubbooyinka oo uu sheegay inay wada degaan dad fara badan oo Soomaali ah.

Ugu dambeyntii sheekh Aadan Madoobe waxa uu ugu baaqay ummada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowlada federaalka ah ee Soomaaliyeed.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID