Wednesday, June 19th, 2013

Shariif Xasan oo sheegay inay madaxweyne Shariif iyo Cabdiweli Gaas daaqada kala bixi doonaan!

Shariif Xasan oo ku fashilmay isku daygiisii ahaa inuu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya kadib markii uu Prof. Jawaari ku guuleystay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagasoo xigtay inuu yiri ” Sheekh Shariif iyo Cabdiweli gaas sida aniga aan daaqada uga baxay ayay uga baxayaan ayagana”

Shariif Xasan oo la hadlayay xildhibaanada taageerayaashiisa ah ayaa waxa uu sheegay inuu codadkiisa ugu shubi doono Dr Baadiyow si aanay Sheekh Shariif iyo Cabdiwelie Gaas midkoodna ugu guuleysan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa waxaa soo gaartay lacag uu ka sugaayay Dubai oo gaarayso laba milyan oo dollar taasoo uu durba bilaabay qaybinteeda si uu codad u iibsado uu kula dagaalamo Sheekh Shariif iyo Cabdiweli Gaas oo uu aaminsanyahay inay ku jebiyeen Prof. Jawaari.

Safar aan la ogeyn ujeedkiisa ayuu ugu amba baxay magaalada Nairobi xildhibaan Shariif Xasan ayada oo ay wararka qaarna sheegayaan inuu Nairobi ugasii amba bixi doono dalka Itoobiya.

Shariif Xasan ayaa ku fekeraya inuusan siyaasada sidaan uga harin ee uu kula gor gortamo Dr Baadiyow inuu raisalwasaare usoo magacaabo qof uu isaga raali ka yahay isna taa bedelkeed uu codadkiisa siinayo, waxaa kale uu Shariif Xasan ku haminayaa inuu madaxweyne u noqdo maamul goboleedkii koonfurgalbeed ee Soomaaliya balse taas lafsad ahaanteeda ayaanan hada u suurta geli doonin marka loo eego inta qofood ee xilkaas isku haysato iyo sida aan hada raaliga looga ahayn inuu Shariif Xasan siyaasada Digil iyo Mirifle saameyn kusii lahaado.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


3 Responses to Shariif Xasan oo sheegay inay madaxweyne Shariif iyo Cabdiweli Gaas daaqada kala bixi doonaan!

  1. abdi says:

    kkk maandeeqad digil iyo mirifle dadkii maalijirey ayaa malaayo halyey shati ayaa maamulwanaagisi kuwadi doono insha alaah

  2. Aden Ibraahim says:

    XARIIF XASSAN DULLINIMADA WEY KU BILAABATEY WEYNA KU SOCON DOONTAA ILAA UU KA DHINTO, AAKHARANA XISAAB AYAA SUGEYSA, LAAKIN WAXAA LA ARKI DOONAA ISAGOO JAYL KU JIRA INTA UUSAN DHIMANIN INSHA ALLAH.

  3. maxamuud says:

    TUUGADU WAY BADANTAHAY INSHA ALAAH SI XUN AYAY UWADA DHIMANAYAAN KUWII HANTIDA UMADDA KU LOOFARAY IF IYO AAKHIRANA LIIBAANI MAAYAAN

Leave a Reply