Monday, May 20th, 2013

Shariif Xasan oo mar kale ergo usoo diray Prof. Jawaari

Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa markii labaad ergo usoo diray Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo isna u taagan xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Ergada uu soo diray xildhibaan Shariif Xasan ayaa gaaraysay ilaa iyo 8 xildhibaan kuwaasoo isku daygoodu ahaa inay ka dhaadhiciyaan Prof. Jawaari inuu ka tanaasulo damaciisa ku aadan xilka guddoonka baarlamaanka balse xildhibaanadii ka socday Shariif Xasan ayaa wejigabax lasoo kulmay kadib markii ayba ku adkaatay inay la kulmaan Prof. Jawaari oo ay mudo ku qaadatay aragtidiisa isaga oona u sheegay inay faraha kala baxaan hawlaha aya ku jiraan oo ay codadkoodana kusoo biiriyaan taageerada loo hayo isaga.

Xildhibaanada ka socday xildhibaan Shariif Xasan ayaa waxaa kamid ahaa,

Ibraahim Isaaq Yarow

Shriif Yacquub

Cabdulaahi Cabdi Garuun.

iyo ilaa iyo shan xildhibaan oo kale oo aanan helin magacyadooda ayada oo sidoo kalena xildhibaanada lagu magacaabo Maryan Macallin Isaaq si khalad ah horay ay ugusoo kaxeeyeen xildhibaanada kale ayaga oo u sheegay inay arin kale u socdaan balse markii guriga Jawaari la yimid ay fajaciso ku noqotay ayada oo sheegtay inaysan waxna kala socon arinka loo socday balse lasoo khalday.

Xildhibaan Shariif Xasan ayaa dhawaanahaanba isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo Prof. Jawaari inuu ka haro doonistiisan ku aadan xilka gudoomiyanimada baarlamaanka balse taas waxaa had u jeer ku gacan seyrayay prof. Jawaari oo ah hada musharax u taagan xilka gudoomiyanimada baarlamaanka.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


5 Responses to Shariif Xasan oo mar kale ergo usoo diray Prof. Jawaari

  1. abdi says:

    wxaan layaabanahey ninka hadda taageeraayo sakiin oo ah nin layaqaano umadaan D M meel ey u jeedaan lamayaqaano lilaahi

  2. ALLAA WEYN says:

    WAR WAXAA SU AAL IIGA AH, DAKA HADDA RABO IN QOF INDHO LAHEYN AH KA MAR LABAAD KA DHIGTAAN HOGAAMIYE, OO RABO INUU SIYAASADDA HOGAAMIYO. WAR DIGIL IYO MIRIFLE, 10 SANO KALE AYAAN DIB U DHACDEEN, WAAYO, INTA BADAN XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA IYO ODOYAASHA WAXAA GACANTA KU DHIGEY WAA SHARIIFKA HASSAN. OO AH, NINKAAD ARAGTEEN. WAR XAGEEN U SOCONAA, WAR MAXAA NAGU DHACY, WAR AAWEY AQOONYANKEENII, WAR MAXEY BAARLAMANKA U GALIWAAYEEN. WAA DHIBATO KALE, OO NAGU DHACDEY, WAR MAXAA LOO TAAGEERI WAAYEY, DADKA AQOONTALEH, INEY NA HOGAAMIYAAN. WAR DADDOW, DAREEN LA AANKA WAXAAD KU DARSATEEN DOQONIMO, WAR SIDII QOF INDHOOLE OO KALE AH, AAD UDHAHEEN WADADAAN NA MARI, OO QOF AQOON LENA AAD U DIIDEEN, WAR INTA BADAN XILDHIBAANADA HADDA BAARLAMAANKA KU JIRO WAA DAD SHARIIFKA U GADAN OO XERO KU XIRAN, OO AAN KA HADLI KARIN, ARIMAHA DIGIL IYO MIRILFE.

    INSHA ALAH, WAAA GUULEYSANDOONAA JAWAARYE, WAXAAN NA HOR YAALA WAAA IN DHAMAAN DIB LOO SAXO QALALDKA SHARIIFKA UU KU SUUBIYYE UMADDA DIGIL IYO MIRIFLE.

    GUUL
    ALAA WEYEN

  3. Marka hore wad salaamantihin dhammaan milkiilayaasha iyo dadka ku taxan website-kan.
    mida kale walaalkay magacwayn ayaad wadataa oo a ALLAA WEYN waa magac aan wax laga sheegi karin. walaal ninka aad ka hadlayso waa nin mutacallim ah, waan ogahay aqoonyahan waxaad u taqaanaa nin shahaado jaamcadeed haysta , balse Qu’aanku waa aqoonta aad ku kalsoontahay meesha ay ka timid.
    qof waliba marka uu xilka qabto xukunka kaligiisa malahan ee waxaa lashaqeeya aqoonyahanada aad ku kalsoontahay .
    walaalkayoow, Sharif Hassan Sheikh Aden waa ninka kaliya soo celiyay sharafta qowmiyadaha D&M,waa ninka kaliya D&M ah oo isu sharaxay xilka Madaxtinimda wadanka Soomaaliya, waan ninka kaliya oo u ololeeyo midaynta goboladeena iyo waliba horumarintooda ,ama waxaad ku qanacsantahay inaad waligaa aad kursiga Guddoomiyaha Barlamaanka aad ku dhaganaato?!
    marka maxaad ku diidantahay Shariif Xasan Shiikh Aadan??
    waxaan kaa sugaa jawaab faah-faahsan .

    mahadsanid,

  4. idris says:

    Haddii Jawaari uu ka tanaasulo musharaxnimada Guddoomiye Barlamaan , Shariif Xasanna uu ku guulaysan waayo jagada Madaxweynaha, maxaa ku dhici doona Digil iyo Mirifle? Jago seeg, Kursi la’aan iyo meel eber ah.

    waxaa ila quman labaduba in aaney ka tanaasulin oo ay iska sii wataan ololohooda si wax uun loo helo.

    Tanaasulka Jawaari siyaasad istraatiji uma aha beesha.

    Ma flilaayo Shariif Xasan in loo dooran doono madaxweyne, mana filaayo Jawaari inuu gefi doono Kursiga Guddoomiyaha Barlamaanka.

    Labadooda kii guulaystaba magac uun ma ogiye ma filaayo iney wax tari doonaan dadkan dhibbane ee Digil iyo Mirifle.

    Magacuba wax la’aan buu dhaamaaye , garab ha la siiyo labadaba.

  5. sxb abdi rizag waxaan kuweydiinaa adiga maxaa tahay eelaayda tuuksata se mataqaanaa adiga xalaal maa tahay mise xaaraaan hooyadaa maweydiisey mataqaanaa qofka ku dhalay mise waa la iska hadalaa ayaa u hadleysaa war sioyaasada maanta tuug iyo wecel boos ugama banaana waxaa loo baahanyahay baahida digil iyo mirifle cida dabooli karta waana jawaari markaa dadka qaar kahadleysid u fiirso hadalkaaaga anaka waxaan kahadleynaa danta digil iyo mirifle waan danteena inaan helno hogaan daacad ah

Leave a Reply