Gudoome Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dalka Soomaaliya ka tagay isaga oo ah gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya ee labada u kala jabsan balse waxa uu dalka dib ugusoo laabanayaa isaga oo aan wax xil ah hayn balse ah oday Soomaaliyeed oo siyaasi ah.
Marka loo eego heshiiskii ay ku gaareen saxiixayaasha qorshaha Road Mapka oo uu isagu kamid yahay, dalka Soomaaliya ayaa inta uu ka baxayo KMG waxaa wareegto ku xukumayo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed taasoo meeshana lagaga saaray wax la dhaho baarlamaan KMG ah inuuba jiro hada!
Shariif Xasan oo lagu yaqaanay galaalka uu u lahaa siyaasada xiligaan ka socoto dalka Soomaaliya ayaa waxa ay u muuqataa in markaan laga hoos bixiyay marka loo eego sida loogu qanciyay inuu dalka kusoo laabto isaga oo fara maran oo aanan wax xil ah ka haynin.
Mar ay su’aalo kuweydiinaysay magaalada Addis ababa wariyaha BBCda ee magaaladaas Mary Harper ayaa waxa uu sheegay Sheegay Shariif Xasan in kala jabsanaanta baarlamaanka ay u sabab ahayd inuu meesha ka baxo xilkiisii gudoomiyanimo.
Su’aal adag oo ay weydiisay wariyadu ayaa waxa ay ahayd inuu Shariifku magaciisa soo noq noqdo marka laga hadlayo qilaafaadka iyo isqab qabsiga siyaasadeed ee mudooyinkii dambeba ka taagnaa dalka Soomaaliya hadaba haddii uu ka cabsi qabo in lagu maxkamadeeyo arimahaas ayuu Shariifku sheegay inuusan isagu aaminsanayn taas oo uu isku arko inuu yahay qof aan wax dembi ah gelin.
Hadaba waxaa la orankaraa in Shariifka waxa keliya ee hada u haray ay yihiin awooda yar ee uu ku dhex leeyahay kooxda saxiixayaasha oo aan dhaafsiisnayn mida isaga u gaarka ah ee ah inuu wax kasoo xulo gudi 27 xubnood ka kooban oo loo bixiyay gudiga farsamada lana shaqayn doona odayaal dhaqameedka shirka uu uga socdo magaalada Muqdisho.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com