Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cismaaciil Hure Buubaa oo xilalka kala duwana kasoo qabtay xukuumadihii soo maray dalka Soomaaliya ayaa kucanaantay madaxweyne Shariif iyo Siilaanyo inaysan runta ka hadlin isaga oo sheegay inay labadooduba doonayaan inay kala gooyaan shacabka Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya islamarkaasna uu wadahadalkoodu ahaa shimbirayalow heesa.
Buubaa waxa uu sheegay inay dowlada KMG Soomaaliya ay tahay inay cadayso mowqifkeeda ay ula kulmeyso Somaliland oo ah inay iska ilowdo rabitaankeeda ah inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.
“Shirkii kadhacay Dubai ee Hadilmee shariif uu kala qaatay Madaxwayanaha Somaliland runtii waxuu katarjumaa in labadoodaba ay kabaqayaan inuu soo bandhigo shaqsi walba waxaa uu maanka kuhayo uuna rumaysanyahay,lakiin meesha dadka Soomaaliyeed iyo Somaliland ay kasugaayeen Natiijio lagu qanci karo waa ay kusheeko Xariireeyeen” ayuu yiri Cismaaciil Buubaa.
Siyaasiga Cismaaciil Hure Buubaa ayaa ku canaantay dowlada KMG Soomaaliya inay kala hadasho Somaliland isku keenida ummada Soomaaliyeed.
Hadalka kasoo yeeray Cismaaciil Buubaa ayaa imanayo xili ay wada hadalo ku qaateen magaalada Dubai madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliyai yo madaxweynaha maamulka Somaliland.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com