Monday, May 20th, 2013

Shariif Xasan ma isagaa is matela mise waxa uu matelaa Digil iyo Mirifle?

Guud ahaan madaxda dowlada KMG Soomaaliya waxa ay kasoo jeedaan gobolo iyo beelo ay matelaan, mid kastana waxa uu xooga saaraa danta guud ka sokow mida beesha uu matelo balse arinta gudoomiyaa baarlamaamka Shariif Xasan Sheekh Aadan waa ay ka duwan tahay sidaas.

Shariif Xasan waa nin inta badan tiisa ka fikiro isaga oo meel iska dhigay beelaha uu magacooda kusoo galay siyaasada ee Digil iyo Mirifle.

Shariifku waxa uu xooga saaraa inta badan dantiisa gaarka ah isaga oo aan marnaba ka fikirian mida beelaha uu kasoo jeedo ee Digil iyo Mirifle halka uu ku fashilmay tan guud ee ummada Soomaaliyeed.

Tusaalooyinka aan soo qaadan karno ayaa ah in xiligii abaaraha uu Shariif Xasan dhegaha iyo indhahaba ka qabsaday dhibaatooyinka dadka uu kasoo jeedo ee Digil iyo Mirifle oo kamid ahaa dadkii ay inta badan sida daran u saameysay abaartu.

Shariif Xasan marnaba ma uusan booqan xeryihii ay ku jireen barakacayaashii magaalada Muqdisho inuu wax taro iskaba dhaafe, taas bedelkeedna waxaa  tiro dhow jeer ah soo booqday barakacayaasha madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Xiligaas, Shariif Xasan waxa uu ku mashquulsanaa urursi lacago iyo dhaqaale uu maanta ku to fikirayo inuu mar kale siyaasada kusoo laabto isaga oo weliba ah madaxweynaha dalka Soomaaliya!!

Hada oo ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya qabsadeen deegaano fara badan oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada Xarakada Alshabaab ayaanu maalina booqasho ku tegin deegaanadaas, waxaana u dambeysay degmada Afgooye oo kamid ah deegaanada ay degaan beelaha Digil iyo Mirifle oo uu 3 jeer soo booqday madaxweyne Shariif.

Gudoomiye Shariif ayaanan maalina ka hadlin dhibaatooyinka ay ciidamada dowlada ku hayaan dadka degmada Afgooye oo ah dadka uu mateli lahaa magacoodana siyaasada ugu jiro.

Aqristayaal waxaan idiinsoo gudbin doonaa haduu Illaah idmo danaha gaarka ah ee Shariif Xasan oo aan anaga ugu magacdarnay Shariif daneyste!!

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


7 Responses to Shariif Xasan ma isagaa is matela mise waxa uu matelaa Digil iyo Mirifle?

  1. ALLAA WEYN says:

    Aniga waxaan la yaabanahey dadkaan sheegta Digil iyo Mirifle oo aanan marnaba aheyn dad xilkas ah oo mar walba siyaasadda Somalida meesha ugu liidatao ka joogo. Waqti kasto waxaad moodaa ineysan aheyn dad waxa wanaagsan ka shaqeeyo, oo aqligooda uu gaabanan yahey. War dadnihii sharftiii iyo wadankii oo dhan waxaa ku habsadey hal qof oo la garaayo taariikhdiisa madow, hadana noo adeegsandy lacago wadanka laga dhacey. War dad yahoy sidaaan isu dhaama. 100 dollar iyo 50 dolllar Sharaftiinii oo dhameed ha ku gadaninina.

    Amiin caamir, waa runtiis sida uuu wax u sawirey. Runtii waa xaqiiqda hadaana indha la istireynin. Aniga waxaan qabaa in Odayaasha Dhanqanka ee Digil iyo mirifle aysan ku kadsanim iney Qalad ka galaan dadka iyo dalka ay matalayaan oo aysan marnaba dhageeysan Hagardaamada Shariifka.

    Aawey Maamul goboleedyadii Digil iyo Mirifle, aawey Wasiiradii ku jirey dowladda, aawey Agaaasimayaashii, Awey Safiiradii, Aawey Shaqaalahi, Dhamaan isga ayaa gacanta ku shubtay, Aaway Sharfteeniii, Away Dhulkii Digil iyo Mirifle, dhalinyaroow, aqoonyahahnow, Culaudiinow, odayaalow, Haweenow, Ciidanow, Ganacsatoow, caruurey, war baraaruga oo ka kaca Fadhigan. Calooshiis u shaqeeeste ayaa na hogaamiyay, oo Burburiyay Sharafteenii.

  2. Aden Ibraahim says:

    XARIIF XASSAN WAA SIDA UU AMIIN CAAMIR U CABIREY UNA SAWIREY LAAKIN WUXUU ADEEGSADAA EEYO UU MAR WALIBA EE UU DANI LEEYAHAY U TUURO LAF QALALAN OO AAN HABA YARAATEE HILIB SAARNEYN HABA U BADNAADAAN KUWA UU DHAQANKA IYO AQOONYAHANADA KA DHIGTEY.

    WAXAA FIICAN IN LA OGAADO IN MAALIN LALA XISAABTAMI DOONO KUWAAS IYO XARIIFKABA INSHA ALLAH LAGANA JAASIN DOONO DEMBIYADA AY KA GALEEN DIGIL IYO MIRIFLE.

  3. Rra says:

    Viva sharif Hassan sharfta iyo dadnimada aad ladahay mantaa aad ladahay
    Sharif Hassan aa ku kaanay waa maxaad rabtaa inoo elmahaa ku koriyoo
    Sharif Hassan somali dhan haday diidow bashaa calmkaa rabaa baxaa bartiina
    Is ka fashta siyaasad wax kamataqaaniin kkkkkkkk waxaad u malaaysa DM iino
    Masha kaanay misa kuhayow aqli xumaa
    Muxoo no qabtaay muxuu no qabtay nii maan waa waan oo waxaas ku hadlaaya
    Waa yaab waan ii deen aqaana nii mankaa maxaan so qorayaa waa nimanka waxaa bartay oo dayasporaha ah oo fadhi ku dirirka ku dhagasta Nin somali ku ahaan jiri gulwaday subxanalaah

    Viva sharif Hassan madaxwayna marku naqdana wadankana waan gadanaynaa kkkkkkkkkkkkk

  4. abdishek says:

    baidoamedia siwanaagsan waayo waxaad sobandhigtaa dalaalinta D M shaqadooda marka waan idiin mahadcelinaayaa

  5. Ali Soomali says:

    waxaan ogaanay in websitka Baidoamedia.com uu u shaqeeyo cadowga D&M, waayo intaas waxay dabataagan yihiin oo ay ceebeynayaanama canbaareynayaan nin doorka D&M. Sharif Xasan waa ninka keliya ee D&M oo hadafkiisu yahay inuu madaxweyne Somaliya ka noqdo, nin kale oo D&M oo ku riyooday inuu kursigaas haweysto ma jiro, sida USA aan ka aheyn Obama nin madow oo ku riyooday xitaa inuu madaxweyne noqdo ma jiro. si damacaas ka soo baxay nin D&M loo joojiyo waxaa la adeegsanayaa wax-magrato sida baidoamedia , iyo kuwan halkan wax ku qoray sida A-weyn, Abdishek, Amin Caamir oo beryahan loo yaqaano AMIN CALLBOX oo ka dambeeyo farmaajo. D&M toos oo baraarug, marwalba somali hadabasoconina ee markan Somali horsocda si hadafkaas aan u gaarno waa inaan taageero buuxda siina Shariif Xasan

  6. sara says:

    walaal ali somali walala waad caay tamaysaaa webkaan ma ahan cadowga DM ee waaa iftiimiyaha DM ee haku fogaaan xaqiiqda uuwna idiin sheegaaa any time sakiinta waa tuug calooshiis u shaqaysta ah ee gatay sharafka DM ceebeeyay magaceeena waa duli asoo saqiira aaba rooneyd hadhaco aan leeyahay sakiin

  7. ufuroow says:

    webkan cid dan gaara aas u shaqeeyo ma jiro danta guud umadaas ka hadlaa shariif sakiin qof walba yaqaan wuxuu galo jaahil doqon wax walba oo xumaan ah ayu sxb la yahay siyaasadna wax kama yaqaan caada qate tuug qiyaanoole jir jiroole waligiis kama hadlin danta dadkiisa ha 1$ ankee ma siin tuugada lee lacag siiyaa cid aan tuug aheen wax uma qabto malaaqyadi ayuu sharafta uga dhacay hanjabaad iyo iyo caay ayaas iusgu daray cidi ka soo horjeesat damaciisa xun ee qar iska tuurka iyo gumeeysi u adeega ku saleeysan raunti maba garanayo wax aan ku sifeeyo mida kale waxaan halkan uga hambalyeeynaa aqoon yahay jawaareey waxaan kaloo uga digaa qofka ku guuleeysat madaxweeynaha somalia in uu shariif uusan u magacaabin wax jago ah mana ahan ruux matala qowmiyada digil iyo mirifle waxaan ka digaa ruuxi ku soo baxa madaxweeyne nimo ee jago u magacaabo shariif sakiin in aan labadoodaba isla tuuri doono viva jawaareey

Leave a Reply