Tuesday, May 21st, 2013

Shabaabka markay joogeen wax lama dhici jirine, dowlada markay tagtay maxaa dadka loo dhacaa? Maqaal

Tan iyo markii ay Xarakada Alshabaab faarujisay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya qaarna dagaalo lagaga qabsaday waxaa soo shaac baxayay rag dareyska ciidamada xiran oo dhac bareer ah u geysanaya dadka rayidka ah.

Tusaalooyin waxaa kuugu filan akhristow in magaalada Muqdisho ay dhowr isbaaro dhex yaaliin, in markii degmada Afgooye ay galeen ciidamada dowladii KMG iyo AMISOM dhac, kufsi iyo waxyaabo aan haboonayn lagula dhaqaaqay dadka reer Afgooye.

Waxaa u dambeysay gaari rakaab ah oo shalay lagu furtay dadkii saarnaa meel u dhow garoonka Bali doogle ayada oo uu gaarigu kusii socday magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kana yimid magaalada Muqdisho.

Nin rakaabka kamid ahaa ayaa yiri,”Waxay ahaayeen niman gishnaa dareyska ciidamada, waana baarteen waxay nagu sameeyeen wax ala wixii aan wadanay ayay naga qaateen sida lacagihii taleefanada iyo dahabkii gabdhaha waxa ay inoo reebeen ma lahan”

Hadaba Shabaab xiligiisii dadka mala dhici jiray oo jidgooyo ma jirtay? jawaabtu waa maya, Shabaab dhibaatooyin kale haba laga sheegtee dadka rakaabka ah ma dhici jirin isbaarooyina uma aysan oolin wadooyinka.

Akhristow, Qaran iyo khabiil meel ma wada galaan? jawaabta adinkaan idiin daynayaa, tuutaha laoo xirtay waxaad moodaa in loogusoo hoos gambanayo sidii dano qabiil loogu fushan lahaa.

Soomaaliyana lagama yaabo inay degto inta cadaalada la hareer marayo, khabiilna khabiil kale dulminayo ee Illaah haka qabto dadka kuwa xumaanta la dhex wareegaya qoriga iyo tuutahana sida qaldan u sita.

 

By: C.C Mohamed


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply