Thursday, May 23rd, 2013

SAXIIXAYAASHII ROADMAP-KOOW KA BUL DHAHA.

Waxaa idaacadaha, jaraa,idda iyo mareegaha internetka si xowli ah uga socda qaadacaadda madaxda Puntland iyo Galmudug ee ku aaddan odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Turkiga.  Labadaan maamul-goboleed keligood ma ahee waxaa qaadacaadda la qaba waddamada deriska sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti kuwaasoo markeedii horeba sameeyey waxa loo yaqaan SAXIIXAYAASHA ROADMAPKA.

Qaadista odayaasha waxay fajacis iyo lama filaan ku noqotay dowladihii dabada ka riixayey barnaamijka saxiixayaasha roadmapka.  Waxay siyaasadii Soomaaliya u rartay meel kaloo aanay ka filaynin.  Waxayna caddeyn buuxda u tahay loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka deriska ah iyo dowladda Turkiga.  Dowladda Turkiga waxay u egtahay inay wadato siyaasad ka tunweyn kana saameyn badan midda ay cayaarayaan dalalka deriska ah.  Waxaan shaki ku jirin in baratan xoog lihi uu jiro, WANG GATHATY WEHELKY MA MIIS WALAALATHAAS.

Haddaba su’aasha is weydiinta u baahani waxay tahay, Maxaa keenaya oo ka dambeeya karka iyo kuleylka Puntland?  Puntland sow ma ahan tii horey ula noqotay odayaashii ka joogay madasha shirka?  Haddaanay iyagu waxba ku lahayn maxaa ka galay cid la qaado iyo cid kale?  Maxay yihiin waxay ka baqayaan?

Jawaabtu waxay tahay, markaan caruurta ahayn ayaa waxaan ku madadaalan jirnay fiidkii ama habeenkii waxa loo yaqaan DIINLEY (googaaleysi).  Googaaleysigaa waxaa kamid ahaa KAAKLEGHO LEY KAAK EREY WALBY KAAK ERAAW KAAK?  Jawaabtuna waa KUTAAB I MAALINSHE.  Puntland iyo Galmudug diidmadoodu waa mid salka ku haysa inay ka daba yiraahdaan wixii macalinkoodu u meeriyo. Dalalka deriska ayaa diidan inay dowladda Turkiga saameyn buuxda ku yeelato siyaasadda Soomaaliya, Puntland iyo Galmudugna waa KUTAABTI. Waxaa taa caddeyn kaaga filan inay sheegi waayeen sabab muuqata oo ay ku diidan yihiin qaadista odayaasha dhaqanka ee dalka Turkiga.

Arinta ugu xiisaha badanse waxay tahay mowqifka madaxda Dowladda Kumeelgaarka ee ku aaddan qaadista odayaasha.  Waxay u egtahay cayaar xiisa badanoo ay cayaarayaan madaxda DFKG si ay u kororsadaan muddada ka harsan dowladdoodaan.  Ma idinla tahay in arin aanay fududeeynin Dowladda KMG ay sidaa saaniga uga dhici lahayd caasimadda Muqdisho?  Mytaawiyaaw?

Waxaan maqli jiray, “HATHEEGI LUKU HATHI OOYTINTIS HINJHIR-HINJHIRU”.  Saxiixayaasha Roadmapka iyo dalalka deriska hadday horey u xadeen ka talinta masiirka ummadda Soomaaliyeed, waxaa iyana maanta ka xaday xariif iyo ka xariifsane xalaal calayk ha yiraahdeen.

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

Unishef@live.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply