Thursday, May 23rd, 2013

Saxiixayaasha Road mapka iyo Mrs Clinton oo uu shirkoodu soo gaba gaboobay

Waxaa soo gaba gaboobay shir ay yeelanayeen saxiixayaasha Road mapka iyo xoghayaha arimaha dibada ee dalka Mareykanka Mrs Hillary Clinton, kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Shirka oo diirada lagu saaray isbedelada ka socdo dalka Soomaaliya iyo sidii uu Mareykanku u taageeri lahaay isbedeladaas ayaa waxaa ka hadlay intii uu socday Hillary Clinton oo sheegtay inay dowlada Mareykanka la dhacsantahay isbedelada ka dhacayo ay dalka Soomaaliya ayada oo sidoo kalena sheegtay inay dowladeedu taageersantahay dowlada cusub ee la filayo inay Soomaaliya ka dhisanto wixii ka dambeeyo 20 Agosto, sanadkaan.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo la hadlay saxaafada markii uu shirku soo idlaaday kadib ayaa sheegay inuu shirku guul kusoo dhamaaday islamarkaasna laysku afgartay dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay madaxweynuhu hadal dhawaanahaan laysla dhex marayay oo ahaa inay Mrs Clinton ka dalbaneyso madaxda dowlada Soomaaliya inaysan iskusoo taagin xilalka sare ee dalka ayuu sheegay inuu hadalkaasi yahay mid been abuur ah oo ay faafiyeen musharaxiin tartan ugu jirto xilalka sare.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply