Saturday, May 25th, 2013

Sarkaal sare oo Alqaacidada Soomaaliya ka tirsan oo lagu qabtay dalka Yemen.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan inay ciidamada badda dalkaasi qabteen dooni yar oo uu la socday mid kamid ah saraakiisha sar sare ee Alqaacidada Soomaaliya.

Doonta uu saarnaa sarkaalkan oo ajnabi ah ayaa lagu qabtay xeebaha gobolka Xadramuut ee dalka Yemen sida ay warbaahinta dalka Yemen sheegtay.

Sarkaalka la qabtay oo dhalashadiisa aan la xaqiijin ayaa la sheegayaa inuu dooni kasoo raacay dhanka koonfureed ee dalka Soomaaliya kadib markii uu ballaartay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Alshabaab iyo ururka Alqaacida oo hada ah raqiif xaga dagaalada iyo mabda’a.

Dhawaanahaanba waxaa dalka Soomaaliya dhankiisa koonfureed doonyo kaga baxayay saraakiisha sare ee ururka Alqaacidada Soomaaliya kuwaasoo dalalka ay u baxsanayeen uu kamid yahay dalka Yemen.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply