LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Sarkaal iyo askar dowlada ah oo xukuno dilal ah lagu fuliyay maanta.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu toogtay laba askari iyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya kuwaasoo lagusoo eedeeyay inay horay dilal ugu geysteen dad kala duwan magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la toogtay ayaa lagu eedeeyay inuu horay dil ugu geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya kaasoo ku sugnaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halka labada askari ee lala toogtay sarkaalkana lagu eedeeyay inay dad barakacayaal ahaa ku dileen agagaarka Sayidka ee isla magaalada Muqdisho.

Sadexda askari ee toogashada lagu fuliyay maanta ayaanan la shaacin magacyadooda ayada oo aan sidoo klae la sheegin xiligii ay dilalka geysteen.

Goobta uu xukunka dilka qisaasta ahi ka dhacayay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dadweyne usoo daawasha tagay, saraakiisha maxkamada ciidamada khalabka sida iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay maxkamada ciidamada dowlada Soomaaliya ku fuliso xukuno dilal ah askar horay uga tirsanaa dowlada Soomaaliya.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID