Wednesday, June 19th, 2013

Saraakiisha ciidamada dowlada oo sheegay inay kusoo wajahanyihiin Kismaayo.

Ayada oo uu dagaal xoogani ka dhacay shalay deegaano u dhow magaalada Kismaayo ayaa ay saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya sheegeen inay ka gudbeen difaacyadii Xarakada Alshabaab ee magaaladaas.

Afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubooyinka Col. Maxamed Faarax Dahir ayaa sheegay in dagaalo culus oo qasaare badan dhaliyay ay Al-Shabaab shalay kula galeen deegaano ka tirsan Kismaayo.

“Difaacii u dambeeyay ee Kismaayo waa ka gudubnay, dagaalka waxaa uu ahaa mid culus, ugu dambeyn hada Kismaayo waxaan u jirnaa 40-KM”ayuu yiri Sarkaalkan oo intaa ku daray in Al-Shabaab meesha ugu soo horeysay ee ay ka difaacayaan Kismaayo ay tahay deegaanka Buulo gaduud.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply