Wiilka uu dhalay hogaamiyihii qadarkiisa uu xumaaday ee dalka Libya Mucamar Al-Qadaafi ayaa lasoo sheegayaa inuu ku dhuumaaleysanayo saxaraha u dhexeeyo dalalka Libya, Niger iyo Mali halka wararka qaarna ayba sheegayaan inuu u tallaabay dhanka dalka Niger.
Saif Al-Islam Qadaafi oo ah wiilka madaxweyne Qadaafi gacanta midig u ahaa ayaa waxa uu kasoo baxsaday magaalada Sirte halkaasoo si xun loogu dilay aabihiis, walaalkiis Mutasim iyo wasiirkii gaashaandhiga ee dalka Libya Bakar Yunis.
Dad badan waxa ay aaminsanyihiin in hogaamiyayaasha reer galbeedka ay ka dambeeyeen dilkii wuxushnimada ahaa ee loo geystay madaxweyne Qadaafi si ay u aasaan sir badan oo uu kahayay ayaga iyo heshiisyo gaar gaar ahaa oo uu lagalay dalal badan oo reer galbeedka ah.
Hadaba markii la qabtay Qadaafi isaga oo nool ayaa waxaa la rumeysanyahay inay dalbadeen dalalka reer galbeedka in la khaarajiyo si uusan ugu xog waramin maxkamada dembiyada caalamka ee magaalada Hague oo horayba ugusii jartay waarankii lagusoo xiri lahaa madaxweyne Qadaafi iyo wiilkiisa Saif-A-Islaam Qadaafi.

Madaxweyne Qadaafi iyo madaxweyne Sarkoziga Faransa.
Qadaafi dhimay oo sir badana dhimatay, balse sirtii ma wada aasmin oo waxaa in badan haya wiilkiisa Saif oo wax badan ka ogaa heshiisyadii iyo wax isdhaafsigii ka dhexeeyay aabihiis iyo madaxda reer galbeedka gaar ahaan, kuwa Faransiiska iyo Ingiriiska oo si aad ah farta loogu godayo.
Saif Al-Islam ayaa hada xiriir hoose lasoo sameeyay maxkamada dembiyada dagaalka ee aduunka si loosoo xiri wixii uu hayana uu afka labadiisa kala furto, haddii uu Saif ka bad baado dil qaarajis ah oo loogu geysan karo dalka hadba uu markaas ku dhuumanayo oo uu si nabad ah ugusoo gacan galo maxkamada dembiyada caalamiga ee magaalada Hague,
Siyaasiyiin badan iyo rag madax ah ayaa ay xaaladu ku xumaan doontaa waayo Qadaafi isla ragii tabantaabin jiray ayaa xilka ka tuuray oo dadkiisa ku diray kunasoo hubeeyay, waana Ingiriiska oo si weyn uga faa’iday shidaalka dalka Libya iyo dalka Faransiiska, hana ka reebin Talyaaniga oo qayb mug leh ka qaatay ka macaashida gaaska dabiiciga ah ee ay Libya hodanka kutahay.

Madaxweyne Qadaafi iyo raisalwasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair
Wakhti xaadirkaan madax badan oo reer Yurub ah ayaa si aad ah u dhididayo kana cabsanayo inay lasoo gudboonaato fadeexad aan horay loo arag, waayo sir ay islahaayeen waa ay dhimatay ayaa misna dib usoo baxday oo Saif-Al-Islam baa lasoo dhutinaya wixii uu mudaba ka marqaatiga ahaa ee uu aabihiis lagalay madaxda reer galbeedka.
Madaxda maamulka KMG Libya ayaa ku doodaya in Saif loosoo gacan geliyo si ay ugu maxkamadeeyaan gudaha dalka Libya kadibna ay mariyaan meeshii ay mariyeen walaalkiis iyo aabihiis, balse hadaladaas waxay u muuqdaan kuwo lagasoo meerinayo caasimadaha kala ah, London, Paris, Rome iyo Washington.
Sikastaba ha ahaatee, waxaynu sugnaaba waa Saif oo soo bandhigo sirta uu kahayo aabihiis iyo madaxdii ay wax isku ogaayeen ee markii dambena kusoo jeestay xilkana ka tuuray amarna ku bixiyay in loo dilo si aan ku haboonayn ruux bini aadan ah.
Baidoa media Editorial.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com