Thursday, May 23rd, 2013

Safiirkii Mareykanka ee Libya oo la dilay.

Ayada oo maanta ay ka dhaceen dibadbaxyo ka dhan ah dalka Mareykanka dalal ay kamid yihiin Libya iyo Masar ayaa waxa ay wararka hada soo baxayo sheegayaan in la dilay safiirkii Mareykanka u fadhiyay dalka Libya xili uu ku sugnaa Qunsuliyada uu Mareykanka ku leeyahay magaalada dhanka bari Libya ku taalo ee Benqaazi.

Danjire Cristopher Stefens iyo sadex kamid ah shaqaalaha qunsuliyada Mareykanka uu ku leeyahay Benqaazi ayaa lau xaqiijiyay in lagu dilay weerar saakay subaxnimo hore lagu qaaday qunsuliyada Mareykanka ee Benqaazi kadib markii uu soo baxay filim lasoo dhigay Youtubeka kaasoo lagu af lagaadeynayo nebigeena MUXAMED N.N.K.H.

Safiirka ayaa u dhintay qiiq kasoo baxayay dhismaha qunsuliyada oo dab la qabadsiiyay taasoo inteeda badan gubatay.

Waxaa sidoo kale weerar loo geystay safaarada dalka Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar halkaasoo ay boqolaal dad careysan ah weerareen dhismaha safaarada.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply