Friday, May 24th, 2013

Safiirka cusub ee dalka Venezuela u fariisan lahaa Kenya oo Nairobi ceeji lagu dilay.

Safiirka cusub ee ay dowlada Venezuela usoo magacowday dalka Kenya, haweenayda lagu magacaabo Olga Fonseca ayaa meydkeeda laga helay goobta ay ka deganayd magaalada Nairobi ayada oo la ceejiyay.

Olga Fonseca ayaa lagu waday inay xilka safiirnimada kala wareegto 15 bishaan aan ku jirno ee July sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada dalka Kenya.

Anthony Kibuchi oo ah taliyaha booliska magaalada Nairobi ayaa sheegay in diblomaasiga la dilay shalay oo Jimce ahayd ay ahayd Olga Fonseca Gimenez oo uu ku sheegay ergay ka socotay dalka Venezuela.

” Boolisku waxa ay xaqiijin karaan in diblomaasiyada ceeji lagu dilay shalay subax oo Jimce ahayd” sidaas waxaa yiri Anthony Kibuchi, taliyaha ciidamada booliska magaalada Nairobi.

Dowlada Venezuela ayaanan weli ka hadlin dilka safiirka cusub islamarkaasna ahayd ergayad ka socotay dalkeeda.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply