Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya u gudbiyeen dowladda dalkaasi.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay saxaafada isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in Safaaraddu ay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi u gudbisay dowladda dalkaasi, kadib markii sida ay qoreen warbaahinta dalkaasi uu wasiirku ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu ka dambeeyay qaraxii 13-kii bishan ka dhacay Hotelka Jazeera ee Muqdisho xilligaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha J.F.Soomaaliya iyo wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirkaasi.
Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta dowladda Kenya ay u sheegeen in hadalkaasi uu raaligelin ka bixindoono Wasiirku, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay warkaasi ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Kenya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in gef iyo sharaf dhac weyn ay ku tahay madaxda Qaranka.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com