Xalay ayaa waxaa lagu dilay xaafada Buulo Xuubeey sadex kamid ahayd askarta nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa dharcadka ah.
” Xalay waxaa biibito ku taalo xaafada Buulo Xuubeey lagu dilay sadex dhalinyaro ah oo naloogu sheegay inay katirsanaayeen ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya, gaar ahaan kuwa dharcadka ah” sidaas waxaa yiri nin magaciisa kusoo gaabiyay Jamaal oo la hadlay idaacada VOAda laanteeda afka Soomaaliga.
Jamaal ayaa intaas sii raaciyay in sadexda dhalinyarada ah ay dil u geysteen sadex kale oo dhalinyaro ah oo afka soo duubtay islarmarkaasna bistoolado ku hubeysnaa.
Falka dilka ah markuu dhacay kadib ayaa waxaa soo gaaray goobta ciidamo katirsan nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ayada oo halkaas ka qaaday meydadkii wiilasha sadexda ahaa oo la sheegay inay katirsanaayeen dhalinyarada xaafada Buulo Xuubeey balse la shaqaynayay ciidamada nabadsugida dowlada KMG.
Dilka loo geystay sadexda dhalinyarada nabadsugida ah ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xili ay magaalada Muqdisho mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayeen ugaarsi lagu hayay ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com