Wednesday, June 19th, 2013

Reer Baydhabo oo si weyn u taageeray doorashada Prof. Jawaari.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda ayaa si weyn usoo dhaweeyay una taageeray doorashada Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari loo doortay guddoonka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Hadal haynta ugu badan ee meelaha ay dadku iskugu imaadaan ayaa shalay gelinkii dambe, xalay ilaa iyo saakay waxaa laga hadal hayaa doorashada Prof. Jawaari oo ah shaqsi ay Soomaalida oo dhan soo dhaweysay.

Prof. Jawaari ayaa ka guuleystay 4 musharax oo ayagana sidoo kale u taagnaa xilka gudoomiyaha baarlamaanka ayada oo wareegii ugu dambeeyay ay iskugu imaadeen Prof. Cali Khaliif Galeyr oo markii dambe ka tanaasulay musharaxnimadiisa kadib markii uu arkay inta cod ee u dhexaysay isaga iyo Prof. Jawaari.

 

Xafiiska Warqabadka baidoamedia.com ee Baydhabo Janaay.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply