Dadka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ayaa si aad ah u hadal haya isdhiibida Sheekh Xasan Al-Waajidi oo kamid ahaa saraakiisha sare ee Xarakada Al-Shabaab ee gobolka Bakool.
Sheekh Xasan Al-Waajidi ayaa kasoo amba baxay degmada Waajid ee gobolka Bakool isaga oo isku dhiibay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhaqan magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga ayaa si weyn u hadal haya is dhiibida Sheekha oo kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa ee gobolada Bay iyo Bakool ee Xarakada Al-Shabaab.
Dhawaanahaanba waxaa isasoo tarayay saraakiisha iyo ciidamada Alshabaab ee iskusoo dhiibaya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya taasoo muujineysa in Alshabaab isbedel xaga ciidanka ah ku imaaday.
Al-waajidi.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com