Saturday, May 25th, 2013

Reer Balcad lama boobee maxaa reer Afgooye loo beegsadaa? Boob kii ugu ballaarnaa oo xalay ka dhacay Afgooye.

Xili uu shalay degmada Afgooye booqasho ku tagay madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa halkiisii weli kasii socda boobka degmadaas ay ka wadeen ciidamo ku lebisan dareeska ciidanka.

Dadka reer Afgooye ayaa sheegay in dhac iyo boob aad u baahsan ay xalay ka geysteen xaafad ku taalo degmadaas ciidamo raxan raxan u socda kana tirsan ciidanka dowlada KMG  ayaga oo baaranayay dadka, guryaha iyo goobaha ganacsiga.

Dadka magaalada waxa ay soo sheegayaan in ciidamada dhaca ka geysanaya magaalada ay yihiin kuwo dhawaan soo gaaray halkaas islamarkaasna ka tirsanyihiin  ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa booqashadiisii shalay ee degmada Afgooye waxa ay ku qotontay sidii arimaha amniga wax looga qaban lahaa isaga oo sidoo kalena kala hadlay dadka degmada Afgooye sameynta ciidamo deegaanka ah oo wax ka qabto arimaha amniga iyo dhaca ka taagan degmadaas.

Ciidamada xalay dhaca ka geystay Afgooye ayaa lagu sheegayaa inay yihiin kuwii u tirada badnaa ee hal mar dhac iyo boob ka geysta degmada Afgooye.

Afgooye ayaa waxa ay kamid ahayd deegaanadii lagala wareegay Xarakada Alshabaab ayada oo uu amaankeedu ahaa xiligii Alshabaab mid heer sare ah layskuna haleyn karay balse uu hada noqday goob ay amnidarida iyo dhaca kusoo badanayaan.

Dad badani waxay is weydiinayaan sababta Afgooye uu dhaca uga socdo Balcadna ay amaan u tahay oo aanay jirin cid haba yaraatee wax laga qaato!!

Reer Afgooye ayaa waxa ay dib u xasuusteen maalmihii amaanka ee Xarakada Alshabaab inkastoo Shabaabka howlahooda kale iska wateen.

Wadada keliya ee u furan reer Afgooye waxay tahay inay sameystaan ciidamo xoogan oo deegaanka kasoo jeeda lana dagaalaan burcada kusoo lebisatay dareeska ciidanka ee dhibaatada ku haya dadka rayidka ah ee nabada jecel ee reer Afgooye.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


2 Responses to Reer Balcad lama boobee maxaa reer Afgooye loo beegsadaa? Boob kii ugu ballaarnaa oo xalay ka dhacay Afgooye.

  1. abdisamad says:

    marka hore bahda baidoamedia.com ayan salaama kadib waxa balcad loo dhici waayey ee afgooye loo dhaco waaa waxaa dadnimo iyo karti aanan lahayn dadkii gobolka udhashey oo aan wax garadkooda iyo ilmahooda yar yar isku caqli noqdeen oo ah DİGİL&MİRİFLE dadka magaalooyinka markii laqabso cidamo magaalada udhashey aa amniga sugo DM dad malaha miya oo ciidan u noqdo oo magaalooyinkooda amnigooda usugo DİGİL&MİRİFLOOW waligiina iska hurda ilaa guryihiina kabaxa la idinka dhahaayo oo meel aad dektaan ka weysaan somalia.

  2. Aden Ibraahim says:

    SOMALIA CIIDAN QARAN KAMA JIRO EE WAA MALEESHIYO BEELEED OO LAGUU SOO SHARCIYEYSTEY MUSHAARNA UNDP SIISA, MARKA MAXAAD KA SUGI KARTAAN OO AAN KA AHAYNIN INEY SI FIICAN IDIN GUMEYSTAAN , DHUL BOOBKANA SII BALLARIYAAN IYAGOO DAWLAD KUU SHEEGANAAYO.

    XALKA WAA ISKA DHICI AMA OGGOLAW IN LAGU GUMEYSTO, AMAN HABOONA NINKII GUMEYSIGAAGA SOO QORSHEESTEY INAAD KU HOR OYDO, WAA CEEB TAN UGU WEYN, WAXAANA KA FIICAN DHIMASHO SHARAF KU JIRTO.

    DIGIL WAA INOO MARKA HORE KA SOO XUROOBO MIRIFLE, KA DIB AYUU HADLI KARAA .

Leave a Reply