
Ciyaar si aad loo wada sugayey oo dhexmareeysay naadiyada Barcelona Iyo Realmadrid kana Tirsaneyd Ciyaaraha Horyaalka dalka spain ee” LA LIGA” ayaa caawo Waxa ay ku soo Gabagabooday 2-1 oo ay guusha ku raacday Naadiga Real Mardrid oo si aad ah oogu ciilqabay In ay ka badiyaan nadiga Barcelona Si ay hore oogu sii durkaan ku guuleeysashada Horyaalka wadanka spain .
Ciyaarta ayaa waxa ay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis iyadoona labada kooxoodbo ay soo bandhigeen ciyaar si aad ah ay ooga heleen taagerayaashooda , Daqiiqadii 17 aad ee qeybti hore ee ciyaarta ayaa waxaa nadiga Realmadrid ay u suurto gashay in ay la hormaraan goal uu u dhaliyey laacibkooda khadka dhexe ee reer Germany laguna magacaabo,
Sami Khedira.Qeybti labaad ee ciyaarta marka la isku soolaabtay ayaa waxaa nadiga Barcelona u suurto gashay in ay keenaan amaba ay iska soo gudaan Goal koodii Barbar dhaca ahaa waxaana Daqiiqadii 70 aad u ansixiyey laacibkooda lambarka 9 aad
ee Alex sanchex una dhashay wadanka Chili, balse daqiiqado yar ka dib ayaa ciyaariyahan Chiristiano Ronaldo uu goal ka guusha ka dhaliyey daqiiqadii 73 aad taas oo soo afjartay Rajadii Naadiga Barcelona ee ay ka qabeen in ay gurigooda ooga awood roonaadaan Naadiga Realmadrid .
Guushan ay Realmadrid Gaartay ayaa ka dhigeeysa in laba kooxood ay u dhaxeeyso 7 dhibcood. Taagerayaal farabadan oo kor u dhaafayey 75.000 oo kala taageersanaa
Labada Naadi ee sida aadka ah u xafiiltama ayaa soo xaadiray ciyaarta walow ay u badnaayeen taageerayaasha nadiga gurigooda
loogaga Awood roonaaday ee Barcelona, ciyaarta Ka dib ayaa waxaa shir jaraaid qabtay Macalinka Naadiga Realmadrid .
”Waxay aheyd guul aan si aad ah u sugeeynay in aan ka badino Naadiga Barcelona,waxaana filayaa in aan shaqo wanaagsan qabanay”
ayuu yiri Macalinka Nadiga Realmadrid JOSE MORINHO.
Labada Naadi ayaa waxaa Sidoo kale kusoo kala Wajahan kulamo adag oo ka tirsan lugta labaad oo horyaalka champions league oo
horyaalka champions league oo labadoodaba loogaga Soo badiyey min 1-0 Real madrid ayaa waxay garoonkeeda ku marti gelineeysaa Nadiga Bayermunchen ee ka dhisan wadanka Germany halka naadiga Barcelona na ay Marti gelindoonto Naadiga chelsea oo ka dhisan horyaalka wadanla England waxaana kulamadan la ciyaaridoonaa
habeenada Arbacada iyo khamiista,wixi natiijo ah ee kasoo baxa kala soco Baido media haduu Illaah idmo.




Axmed Marka
Baidoa media Sport, Sweden.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com