LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Raisulwasaare Saacid iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada oo kusii jeeda magaalada Marka.

Raisulwasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray deegaanka Shalambood ayaga oo kusii jeeda magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose.

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

Safarka raisulwasaaraha iyo masuuliyiinta kale ee la socda ay ugu amba baxeen magaalada Marka ayaa lagusoo waramayaa inuu ku qotomo sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen xaalada ay ku suganyihiin dadka magaalada Marka ku dhaqan.

Masuuliyiinta gobolka Shabeelada hoose ayaa raisulwasaaraha iyo wafdigiisaba waxa ay kusoo dhaweeyeen magaalada Shalambood ayada oo uu safarka raisulwasaarahana ahaa mid aan horay loosii shaacin.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID