Ra’isul Wasaarow, Haddaad gobollada dhexe ilaa 3 wasiir u direyso, sow ma haboona inaad gobollada Koonfureedba u dirto ugu yaraan ilaa 5 wasiir?

<

Waa war hagaagsan oo soo dhaweyn mudan in ay Ra’isul Wasaaraheena iyo (sida laga filayo gulihiisa wasiirada) ka soo yeerto in ay doonayaan wax ku soo kordhiyaan nabadda, cadaaladda, sinaanta, isku tanaasulidda, wax wada qeybisiga iyo nabad kuwada noolaanshaha dadka Soomaalida ah ee degga gobollada Dhexe iyo gobollada koonfureed (oo Kismaayo laga magacaabay).

Sadarka “ilaa saddex wasiir in gobollada dhexe loo diri doono”  waxaa ka dhex muuqda, waa haddii si loo eego ee, in ay seddexda beel ee gobollada Dhexe wada dega ay matili karaan heer qaran ahaan iyo heer gobol ahaanba oo ay dadkuna dhageysan karaan, waxa ay dadka intooda badan rabaanna Ra’isul Wasaaraha ,Gollaha Wasiirada iyo Baarlamaankana soo hordhigi karaan si wax hore u mar wax soo kordhin leh loo gaaro.

Sidaas si la eg, sow ma haboonaa in gobollada koonfureedna (ama koonfurta Galbeed ha la yiraahdo ama Azania ha loogu yeero ama Jubaland-ba ha lagu magacaabee) iyaga oo wadajira loogu diro ilaa 5 wasiir oo dadka lixdaas gobol wada dega oo shanta beelood wada matili kara heer qaran iyo heer gobolba oo ay dadkuna dhageysan karaan, waxa ay dadka degaanka intooda badan doonayaanna Ra’isul Wasaaraha ,Gollaha Wasiirada iyo Baarlamaankana soo hordhigi karaan si wax hore u mar wax soo kordhin leh loo gaaro oo ay lixdaas dadkooda si wadajir ah nabad waarta ugu helaan? .

Dowladda (Guddoomiyaha iyo Xubnaha Baarlamaanka, Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada) waa mid 4.5 ku dhisan.

Ra’isul Wasaaraha, beel ahaan, saami buu ku leayahay gobolladan uu dhibka ka dacayey 22 sano ee la soo dhaafey, sida Xamar ba ay u dhibtootay.

Marka, ma waxa uu sii sahli doonaa sii socoshada dhibta dhibaneyaasha gobollada dhexe iyo gobollada koonfureed ee sad-bursi doonta salka ku heysa? Mise waxa uu noqon doonaa mid ta’kiidiya warka suuban ee Ugaaskiisa, Ugaas Maxamed Weli, ahna ugaaska beesha Daarood uu BBC dhawaan ka sheegay ee ku wajahan diidmada sii kala qeybinta Soomaaliya ama dhul Soomaaliya ka mid ah Kenya u gac

cialis online no prescription

an gelinta? Mise waxa aad noqon doonaa mid nidaamka dowliga ee uu isba ku soo barbaarey kana soo faa’ideystay ee sinaanta, cadaalada iyo nabadda ku dhisan? Mise waxa uu la iman doonaa mid tab cusub oo laga wada faa’ideysto Soomaaliya ku soo kordhiya? Ra’isul Wasaarow, xusuusnow, Soomaali cadaalad marka ay arragto way hogaagsantaa.

Siriqda Kenya, Igad iyo Soomaalida isku beel baan nahay ku leh oo qaarkood dalkoodu yihiin Kenya (NFD) iyo Ethiopia (Kililka Shanaad) ha ku dhicina adiga iyo Gollahaaga Wasiirada.  Ilaahay ha u naxariisto ee, Ra’isul Wasaarihii ugu dambeeyey ee dowladihii dimuqraadiga ahaa ee kacaanka ciidamada qalabka sida ka horeysey, baa dadka qaar ku eedeeyaan inuu NFD si rasmi ah Kenya sir ahaan ugu saxiixey (allaa og waxa ka run ah). Qaar ka mid ahaa kuwii wasiirada ka ahaa dowladii Madaxweynihii 2009 Jabuti laguy soo dhisayna waxaa lagu eedeeyaa in ay si Kenya si sir ah ugu saxiixeen in badan oo badda koonfurta Soomaaliya ka mid ah markii ay qalinka ku duugeen “ memerundum of understanding-kii xuduudaha badda.

Marka adigana yaan mustaqlbalka dhow iyo kan fogba “Jubaland ayuu Kenya u saxiixey” lagugu eedeyn wallow ay dhici karto in jiraan dano ganacsi oo kuu gaar ah oo Kenya kaaga xiran.

Ninbaa goordhaweyd ku heesayey “ Boosaaso, ‘Hellow Jigjiga’, Kismaayo, ‘Hellow Gaarisa’”. Waxaa xigtay dhibtii Soomaali oo dhan Nairoobi iyo Gaarisa loogu geystay iyo rag Soomaali ah oo ay ciidamada Kenya si naxariis daro ah u uleynayaan kuna leh “waryaa……waryaa….” oo aan dhamaanteen ka wada xumaaney.  Marka xigta ma in Soomaaligii oo la serbiyeynayo Kismaayo dhexdeeda “waryaa…waryaa…” lagu yiraahdaa?

Inteenaa badan ee Soomaalida ah Kenya abaal baan u heynaa marka la eego sida ay qaxootiga u soo dhaweysey iyo sida wanaagsan ee ay Soomaali-Kenyaatiga inay wadaniyiin Kenya ahaan ula dhaqmeyso. Soomaali ma taageersana in amaanka Kenya oo sii xumaada ay Soomaali ku lug lahaato. Hase ahaatee, gorgortanka siyaasadeed adkeeya, ileen ciidan isku duuban oo dalka iyo dadka Soomaaliya difaaca  hadda ma heysaan ee, oo is jiid-jiid Soomaalida koonfurta Soomaaliya ka dhexeeya yuusan dalka Kenya gacanta u gelin inta aad gaarhayeyaasha ka mid tahay.

A Bulle , Msc

Maisodias@hotmail.com

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.