Sunday, May 26th, 2013

Raisalwasaarihii Suuriya oo u baxsaday dhanka kooxaha mucaaradka ah.

Riad Farid Hijab oo ah raisalwasaarihii dalka Suuriya oo ay dowlada Suuriya sheegtay in shaqadii laga eryay shalay subixii ayaa u baxsaday dhanka dalka Urdun sida ay xaqiijisay dowlada Urdun.

Raisalwasaare Riad Farid Hijab ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenkiisa waxa uu ku cadeeyay inuu ku biiray kooxaha kacdoonka ee loo yaqaano ciidamada xorta ah.

” Waxaan ku dhawaaqayaa innaan ka baxsaday xukuumada dilka iyo argagaxa, waxaana ku dhawaaqayaa innaan ku biiray kooxaha xoriyada iyo kacdoonka sharafta. Waxaan ku dhawaaqayaa in maanta wixii ka dambeeya aan ahay askari katirsan kacdoonka barakeysan” ayaa lagu yiri hadalka qoraalka ah ee kasoo baxay raisalwasaarihii hore ee dalka Suuriya.

Afhayeenka raisalwasaaraha waxa uu beeniyay in raisalwasaaraha shaqada laga eryay balse lagu dhawaaqay xil ka qaadistiisa markii ay saraakiisha dalka Suuriya ogaadeen inuu raisalwasaaruhu ka baxsaday dalka.

Raisalwasaaruhu waxa uu ku dhiiri geliyay saraakiisha kale ee weli kasii tirsan xukuumada Suuriya inay sidiisoo kale yeelaan kanasoo baxsadaan xukuumada madaxweyne Bashar Al-Assad.

Dhawaanahaanba waxaa isasoo tarayay saraakiisha ka baxsanayso xukuumada Suuriya oo intooda badana ku biirayay kooxaha kacdoonka ka wada dalka Suuriya.

Raisalwasaaraha ayaa lagu wadaa inuu ugasii amba baxo Urdun dalka Qatar halkaasoo inta badan saraakiisha sare ee ka baxsatay xukuumada Suuriya saldhigteen sidoo kalena ay warbaahinta caalamiga xarun ku leedahay sida uu sheegay afhayeenka raisalwasaaraha.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply