Dowlada Itoobiya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday inuu geeriyooday raisalwasaarihii dalkaas Meles Zenawi oo dhawaanahaanba la il darnaa xanuun daran.
Raisalwasaare Meles ayaa waxa uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Beljmka halkaasoo uu u joogay daweyn mudo bilo ah.
Hailmariam Desalegn oo ah raisalwasaare kuxigeen sidoo kalena ah wasiirka arimaha dibada dalka Itoobiya ayaa si kumeelgaar ah ula wareegay xilkii uu ka geeriyooday raisalwasaare Meles.
Meles Zenawi ayaa mudo sanado ah soo xukumaayay dalka Itoobiya kadib markii ay jabhadii uu hogaaminaayay dagaal kaga awood roonaatay keligii taliyihii dalka Itoobiya ee Mingistu Xeyle Maryam kaasoo musaafuris kaga maqan dalkiisa.
Kooxaha mucaaradka dalka Itoobiya ayaa horay u shaaciyay inuu geeriyooday raisalwasaare Meles inkastoo ay dowlada Itoobiya xiligaas beenisay sheegashada mucaaradka.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com