Sunday, May 26th, 2013

Raisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo ka hadlay hadalkii kooxda Monitoring group.

Raisalwasaarihii hore ee xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray kooxda Monitoring group ee ahaa in madaxda sare ee dowlada KMG Soomaaliya isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

“Waa waxba kama jiraan xukuumad musuq maasuq la dagaasha, oo howl karnimo daacadnimo muujisay ayaa aheyn, warbixinta aniga ima eedeyn wax eedeyn ima soo wacan arrinta aad ka dhawaajisay kuli waa wada waceen eedaha gashay, marka taas waxay muujineysao qof banaanka ka ah wixii musuq maasuq inaan ahay”ayuu yiri Farmaajo oo wareysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Isaga oo ka jawaabay hadalka kasoo yeeray raisalwasaaraha XKMG Soomaaliya mudane Gaas ayuu yiri mudane Farmaajo.

“Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ka tirsanaa Xukuumadeyda, wuxuu ahaa nin aan saaxibo aheyn oo aan aniga magacaabay, wixii ceeb iyo wanaag qeyb ayuu ku lahaa, wax isaga ka baxsan ma jiri doonto”ayuu yiri Farmaajo.

Dhawaan ayay kooxda Monitoring gyoup soo daabacday warbixin ay ku sheegtay inay masuuliyiinta sare ee dowlada KMG Soomaaliya ay lunsadeen lacago fara badan.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Raisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo ka hadlay hadalkii kooxda Monitoring group.

  1. Somalia Xalkeeda kuma jiro in Saxiixeyaal dalka iyo dadkaba loo afduubo, taasana keentey iney u qaataan iney ka sarreeyaan Sharciga, kuna baneysteen iney ku kacaan fal kasta oo ay u arkaan iney ugu gaari karaan danahooda.

    Waa sida uu sheegey Dr Mahiiga , eedeyntaan waa iney isaga difaacaan sida waafaqsan Xeerka Ciqaabta , ayna qabsadaan Qareen ka difaaca maxaa yeeley Kooxda ” Somali Monitoring Group” waxa Hawshooda u Xilsaartey Xoghayaha Guud ee QM , waxeyna u gudbiyaan Warbixintooda Golaha Amaanka.

    U maleyn maayo iney iska gudbinayaan qoraal aysan u haynin Caddeyn haddii kale waxey ku seegi karaan Hawshooda kuna muteysan karaan in lagu dacweeyo masabit ku saleysan eedeyn aan jirin.

    Madaxda la soo eedeeyey waa Eedeysanayaal , waxeyna xaq u leeyihiin iney iska difaacaan, ayna helaan Maxkamad Cadaalad ku dhisan oo ah mid Public ah , waxeyna ahaanayaan eedeysanayaal keliya ilaa ay maxkamdda ugu xukunto Kiiska loo haysto ama ka sii dayso, taasoo micnaheedu yahay inaan hadda la oran karin waa dembiileyaal.

    Haddii aan isweydiino ‘maxaa xilligaan lo soo eedeeyey ? ‘ Jawaabaha wey badnaan karaan waxeyna noqon karaan sidatan:

    1) Guddigaan Hawshiisa ayuu gudanayaa , waqti Siyaasdeed iyo xaalad kale inuu tixgeliyo qasab ma ahan, waa haddii aysan jirin wax ka soo horjeedo taas oo si aan shakki ku jirin loo caddeyn karo .

    2) Haddii ay jiri karto aragti siyaasadeed waxaa loo arki karaa in Beesha Caalamka markey yaqiin satey in Madaxdaan ay si gaar ah ula wareegeen Road Mapka, soona sameysteen Dhaqan ay iyagu leeyihin, kana soo dhameysteen iney u soo xulaan Xildhibaano iyaga soo doorta si ay ugu soo noqdaan Talada Dalka, markaas arrintaan waxey noqon kartaa Xeyndaab ama is-hortaagid lagu joojinaayo awood sheegashada Madaxdaan musuq maasuqa sharciyeystey.

Leave a Reply