Raisalwasaare Saacid oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada midoobay.

Raisalwasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada midoobay.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u laabnaayeen ayaa waxaa raisalwasaaraha ku weheliyay xubno ka tirsan xukuumadiisa.

Wafdiga Qaramada midoobaya ayaa waxaa hor kacayay kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jefery feltman.

R/wasaarah ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isbedelka siyaasadeed oo ay damacsantahay xukuumadda Soomaaliya iyo kaalinta ay Q.M ka qaadan karto caawinta Soomaaliya.

Sidoo kale Kaaliyaha xoghayah guud ee Q.M u aqaabilsan siyaasadda Mr Feltman ayaa xusay in kulankan uu daba joogo kulankii uu dhawaan Addis ababa kula yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh  xog’hayaha Q.M Banki muun.

Kulanka raisalwasaaraha uu la qaatay wafdiga ka socday Qaramada midoobay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo garsoorka.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID