Monday, May 20th, 2013

Raisalwasaare Saacid oo maanta hor tagaya baarlamaanka cusub.

Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta lagu wadaa inuu hor tago baarlamaanka Soomaaliya si uu u weydiisto codka kalsoonida.

Sida la filayo baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan u fariisanayo ayaga oo go’aan ka gaari doona bal inay codka kalsoonida siiyaan ama u diidaan raisalwasaare Saacid.

Waxaase la filayaa inuu baarlamaanku siiyo raisalwasaaraha cusub codka kalsoonida si uu usoo dhiso xukuumada cusub ee la filayo inay dalka hogaamiso mudada 4ta sano ee soo socoto.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka socday magaalada Muqdisho kulamo ay yeelanayeen mudanayaasha baarlamaanka iyo masuuliyiinta sare ee dowlada Soomaaliya si looga dhaadhiciyo xildhibaanada inay codka kalsoonida siiyaan raisalwasaaraha.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply