RAISALWASAARE SAACID OO GAARAY MARKA. (SAWIRO)

<

Wafdigii uu hor kacaayay raisulwasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose.

Wafdiga raisulwasaaraha ayaa waxaa si diiran ugusoo dhaweeyay Marka masuuliyiinta gobolka Shabeelada hoose iyo waxgaradka magaalada Marka.

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalladda Mudane C/laahi Abyan Nuur,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

Raisulwasaaraha iyo wasiirada la socda ayaa la filayaa inay khudbado u jeediyaan dadweynaha iyo waxgaradka magaalada Marka oo ay hada kulan la leeyihiin.

Booqashada uu raisulwasaaraha xukuumada Soomaaliya ku joogo magaalada Marka ayaa ah tii ugu horeysay ee uu halkaas ku gaaray tan iyo markii loo magacaabay xilka raisulwasaaranimada Soomaaliya.

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID