Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa xalay kulan ku saabsan ammaanka la qaatay taliyaha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) General Andrew Gutti.
Kulanka kadib mar uu saxaafada la hadlay ayuu sheegay raisalwasaare Saacid inuu ku faraxsanyahay sida ay u socdaan arimaha hawlgalada lagu xa
qiijinayo amaanka iyo weliba iskaashiga ka dhexeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska raisalwasaaraha ayaa uu mudane Saacid sheegay inaanay weligood iloobi doonin dalalka Afrikaanka ah ee ciidamadooda usoo diray gudaha dalka Soomaaliya.
Dhankiisa, taliyaha ciidamada AMISOM General Andrew Gutti ayaa sheegay inay markastaba taageero la garab taaganyihiin dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka xalay ayaa kusoo aadaya xili ay kooxo hubeysan dil ugu geysteen magaalada Muqdisho mid kamid ah oday dhaqameedyadii wax kasoo xulay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com