Raisalwasaare kuxigeenka dalka Turkiga Bakeer Bozdal iyo wefdi la socda ayaa waxa ay booqasho maanta kusoo gaareen magaalada Muqisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Raisalwasaare kuxigeenka Turkiga, Bakeer Bozdag waxa uu kulan la yeeshay raisalwasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wada yeesheen kulan gaar ah oo ay heshiisyo xaga ganacsiga ah kuwada yeesheen.
Raisalwasaaraha XKMG Soomaaliya iyo raisalwasaare kuxigeenka dalka Turkiga waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo ay kamid yihiin saadaasha xaga hawada ee nagaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka oo uu madaxa hay’adaha bisha cas ee dalka Turkiga TIKA dhagax dhigay tower saadaasha xaga hawada ah oo laga hirgeliyay garoonka magaalada Muqdisho.
Dhanka kale raisalwasaare kuxigeenku dowlada KMG Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayuu kulan la yeeshay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com