LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Raisalwasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray booqdayna mashaariicda ay Turkigu ka wadaan Xamar.

Raisalwasaare kuxigeenka dalka Turkiga mudane Bekir Bozdag iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ayaga oo durba indha indhayn kusoo sameeyay mashaariicda uu Turkigu ka hirgelinayo magaalada Muqdisho.

Goobaha uu raisalwasaare kuxigeenku soo booqday ayaa waxaa kamid ah goobaha caafimaad ee ay Turkigu ka dhisayaan magaalada Muqdisho, wadooyinka iyo weliba xarumaha ay dadka ku caawiyaan ee ku yaala xeryaha barakacayaasha ay ku noolyihiin.

Wafdiga raisalwasaare kuxigeenka Turkiga ayaa sidoo kae booqasho kusoo sameeyay xarumaha waxbarasho ee ay dowlada Turkiga ka furtay gudaha magaalada Muqdisho.

Dhanka kale raisalwasaare kuxigeenka dalka Turkiga mudane Bekir Bozdag ayaa lagu wadaa inuu dhagax dhigo xarun cusub oo lagu baran doono cilmiga beeraha taasoo ay dowlada Turkigu ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho.

Bekir Bozdag, raisalwasaare kuxigeenka dalak Turkiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay raisalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya marwo Fowziya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu wadaa inay la kulmaan raisalwasaare kuxigeenka dalka Turkiga.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID