Sunday, May 19th, 2013

Raisalwasaare Gaas oo madax caalami ah kula kulmay New York.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta QM ee magaalada New York kulamo kula qaatay madax kala duwan oo ka qayb galaysa kulanka sanad laha ah,  waxaana madaxdaas ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, Xooghayaha Guud ee QM Ban-ki-Moon, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, R/wasaaraha Australiya Julia Gillard, iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga Ahmet Davutoglu.

Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda kala duwan uga warbixiyey xaalada dalka Soomaaliya ee dhanka siyaasada iyo Amniga isagoona u sheegay madaxdaas in  Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhanka siyaasada ah kadib markii 20 Augst la dhaariyey Baarlamaan cusub  sidoo kale 10 Sept. si dimuquraadiyadi ku jirto  loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

R/wasaaraha ayaa xalay kulan laqaatay qaybaha kala duwan ee UN waxaan shirkaas goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee QM Ban-ki-Moon iyo Mahiga, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyo QM, iyadoo dib u eegisna lagu samayn doono  qaabkii loo wada shaqayn jiray xiligii uu dalku ku jiray KMG madaama ay Soomaaliya maanta lee dahay dowlada Rasmi ah.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa maanta inuu ka qayb galo kulan gaar ah oo diirada lagau saarayo arimaha Soomaaliya waxaana kulankaas shir gudoominaya Xooghayaha Guud ee QM iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaana kulankaas looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dib u dhiska iyo Amniga.

Sidoo kale  R/wasaaraha ayaa bari kulan laqaadan doona madaxweynaha South Africa Jocab Sumu, wuxuuna R/wasaaruhu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doonaa shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply