Tuesday, May 21st, 2013

Raisalwasaare Gaas oo la kulmay safiirka UK ee Soomaaliya iyo gudiga olombikada Soomaaliyeed. (Sawiro)

Raisalwasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya mudane Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya  Matt Baugh iyo gudiga olombikada Soomaaliyeed oo ay weheliyaan cayaaryahanada Soomaaliya u meteli doona cayaaraha olombikada aduunka oo dabayaaqada bishaan ka bilaabanaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Raisalwasaare Gaas ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in Soomaaliya oo sanado badan dagaalo kusoo jirtay ay cayaartoy uga qayb gasho cayaaraha olombikada aduunka.

“Waxaa farxad weyn inoo ah in Ciyaartooyda Soomaaliyeed ay ka qeyb galayaana Olombikada Adduunka, Inagoo aan ognahay in Ciyaartooyda Soomaaliya ay ku tababaranayeen dalkooda oo aad aragtaan duruufaha ka jira, Ciyaartoydu waxay dalka ka duulayaan 17 bishan iyado aan 16 bishana aanu samayn doono qado sharaf aan ku sagootinayno waxaana sharaf noo ah in aan kufaani karno in Ciyaartooydeena ay calanka Soomaaliya uu ka dhex muuqan doono fagaarayasha lagu soo bandhigayo Ciyaaraha kala duwan” ayuu yiri raisalwasaare Gaas.

Dhankiisana safiirka dalka Ingiriiska Matt Baugh waxa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Moha Farah oo ku dhashay meel u dhow caasimada Soomaaliya balse haysta dhalashada Ingiriiska dalkiisa uga qayb galayo cayaaraha olombikada.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply