Raisalwasaaraha xukuumada FKMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin kale oo katirsan xukuumada FKMG Soomaaliya ayaa waxa ay maanta booqasho ku tageen degmada Balcad oo ay maanta la wareegeen ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Raisalwasaaraha ayaa waxa uu khudbad u jeediyay ciidamada dowlada ee ku sugan Balcad iyo weliba wariyayaasha isaga oo sheegay inay tahay maalin taariikhi ah.
Dhanka kale raisalwasaare Gaas ayaa waxa uu sheegay inay sii socon doonaan hawlgalada lagaga saarayo ciidamada Alshabaab deegaanada kale iyo gobolada kale ee dalka.
Booqashada raisalwasaaraha ayaa ku timid si lama filaan ah.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com